Taliyaha Booliiska oo Raaligeliyey Hoodo Garays iyo Hooyadeed

0
519

Hargeysa (Dawan) Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeya gaas jeneraal Dabagle, oo Raaligeliyey Hoodo Garays iyo Hooyadeed, kana ballanqaaday baadhitaanka dhacdada.

“Cabashada Booliiska waa in hanaanka sharcigu jideynayo loo marro.” Taliyaha C Booliiska JSL. Hargeysa- Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Jano-gale) ayaa u ballanqaaday Hoodo Garays iyo Hooyadeed Suleekha Caaqil inuu baadhitaan rasmi ah ku samayn doono dhacdadii waxyeeladu ka soo gaadhay, cid kastoo xil-gudasho la’aan ku caddaato sharciga la marin doono.

Taliyaha Booliiska Sarreeyo Guuto Jano-Gale oo xafiiskiisa ku qaabilay shalay Hoodo Garays iyo hooyadeed Suleekha Caaqil Claahi ayaa la sheegay inuu ka raali geliyey dhibaato ka soo gaadhay qaar ka mid ah askarta saldhiga Maxamuud-Haybe ee caasimada Hargeysa, isla markaana u xaqiijiyey in waxii dhaqaale ku baxaya baadhitaanka caafimaadkooda Ciidanka Booliisku xilkeeda qaadi doono.

Kulanka Taliyaha Booliiska iyo Hoodo Garays iyo hooyadeed Suleekh oo imanaya maalmo ka dib, markii dhacdada la kulantay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada, isla markaana Xisbiyada Mucaaradka iyo dadweynaha qaarkood-na siyaalo kala duwan uga falceliyeen, ayaa la sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliisku uga digay bulshada iyo xisbiyada mucaaradka dhaliilaha ay Ciidanka Booliiska u soo jeedinayaan, taasoo dhaawacaysa wada shaqeyntooda bulshada, uguna baaqay inay waxii dhaliil ay qabaan madaxda la wadaagaan.

Taliyaha Booliiska Sarreeyo Guuto Maxamed Aadan ayaa sheegay in sida qof kasta khalad uga dhici karo, askarigu la mid yahay, isla markaana ugu baaqay bulshada “qof kastoo cabasho ka qaba inuu u maro hanaanka sharcigu u dhigay,” sida weriye Maxamuud Walaaleye u xaqiijiyey Taliye Jano-gale.

Talaabadan ayaa la rajeynayaa inay soo gebagebayso hadal-heynta dhacdada Hoodo iyo hooyadeed ka soo gaadhay xubno ka tirsan ciidanka Booliiska.

Leave a Reply