WEEDHA WARGEYSKA Qiimaha Shidaalka Adduunka oo Gaadhay Halkii ugu Hooseysay

0
410

Hargeysa (Dawan) Ganacsatada Shidaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa u caado ah oo lagu yaqaan inay qiimaha shidaalka cirka ku shareerraan mar allaale iyo marka uu waxoogaa uu qiimihiisu kor uga kaco halkuu hore u taagnaa, geesta kalana marka uu qiimaha shidaalku dhulka galo ee uu gaadho qiimihiisu halka ugu hoosaysa, sida sannadkii aan kasoo gudubnay ee uu cudurka Korono-fayras kala xidhay isku socodkii dunida, isla markaana albaabada loo laabay Wershadihii wax soo-saarka, kuwaas oo si xad dhaaf ah hoos ugu dhigay baahidii shidaal ee adduunka.

Waqtigaas [2020-kii] waxa uu qiimaha foostada shidaalka ahi ka sii hoos maray $25 [SHAN IYO LABAATAN DOLLAR,] haseyeeshee Ganacsatada Shidaalka ee Somaliland oo hore u siin jiray Foostada Shidaalka ah $ 140 [BOQOL IYO AFARTAN DOLLAR,] ay ka dhigeen $ 100 [BOQOL DOLLAR] taas oo ka dhigan in halka litir ee batroolka ee hore ay u siin jireen 7000 Shillin Somaliland, ay ka dhigeen markuu qiimaha shidaalku hoos u dhacay 5000 Shs/Somaliland.

Marka lays barbar dhigo qiimaha ay dunida ka joogtay halka Foosto oo ahaa $ 25 iyo ka ay ku iibinayeen oo ahaa $ 100 [BOQOL DOLLAR], waxa u dhaxeeya farqi dhan 75 US DOLLAR, taas oo ay noqonayso lacagta ay dul-saareen shacbiga faa’iido saddex jibbaar ah, waxana halkaa ka muuqanaysa in aanay ganacsatadu inta badan hoos u eegin danta guud ee dalka, maadaama shidaalku ka mid yahay waxyaabaha saameynta ku yeesha kor u kaca badeecadaha kale, gaar ahaana kuwa daruuriga ee u kala goosha Gobollada dalka.
Sannadkan bilowga ah ee hadda lagu jiro horraantiisii, ayaa markii la soo saaray ee la helay Tallaalka cudurka Korono-fayras ay soo muuqatay rajo ah, in dib uu u bilowdo dhaqdhaqaaqii Ganacsi iyo isu-socodkii adduunku, waxayna rajadaa ka dhashay inuu Qiimaha Shidaalku kor uga kaco seyladaha dunida, iyadoo uu qiimaha halka Foosto gaadhay $ 60 [ DOLLAR], balse ganacsatada shidaalka ee dalku cagta umay dhigin inta uu salka dhigayo qiimaha Shidaalku ee waxay markiiba kordhiyeen qiimihii shidaalka iyagoo aan waxba kasoo qaadin faa’iidadii hore ee saddex jibbaarka ahayd ee dul-saareen bulshadooda.

Hadday u naxayaan bulshadooda iyo dalkooda, waxay ahayd oo iyagana anfaci lahayd adduunka iyo aakhiroba, inay si caqli gal ah u xisaabtamaan oo aanay qiimo kordhin dembe ku tashan, waayo hadday ku daayeen qiimaha halka litir ee shidaalka intii hore oo ahayd 5000 Shillin Somaliland waxba kagama xumaadeen, maadaama ay weli helayaan faa’iido dhan 40% (BOQOLKIIBA AFARTAN) foosto kasta oo shidaal ah, taas oo ka dhigan in Foostada lagaga soo iibiyey LIXDANKA DOLLAR ee ay hore u siin jireen BOQOLKA DOLLAR ay weli ugu jirto foosto kasta faaíido dhan AFARTAN DOLLAR.

Ganacsatada Shidaalku waxa ay hadda ku sii kordhiyeen qiimaha Foosto kasta oo shidaal ah LABA IYO TOBAN DOLLAR, iyagoo halkii Litir ee Qiimihiisu ahaa 5000 Shillin Somaliland ay haatan ka dhigeen 5600 Shillin, waxanu qiimo korodhkan cusub ee Shidaalka dalka lagu iibiyaa ka dhigan yahay, in dulsaarka macaasha ee ganacsatadu ka badan xataa BOQOLKIIBA KONTON Foosto kasta oo shidaal ah oo lagu iibiyo gudaha dalka.

Waxa ganacsiga xor looga dhigay in si xor iyo xalaal ah ay ganacsatadu ugu tartamaan seyladaha wax lagu kala iibsado xag tayada iyo dhinaca sicirkaba sida bedeecadaha kale, haseahaatee ma bannaana in ganacsigooda ay ka dhigaan mid kooto ah ama u shaqeeya habka nidaamka iskaashatooyinka ee ay ku dhaqmaan dawladaha Shuuciga ah, waxana taas muujinaya sida ay heshiiska ugu yihiin, in isku hal maalin ay qiime isku mid ah ku daraan litirka shidaalka dhammaan Kaalmaha Shidaalka ee ka jira dalka, hadday tahay qiimo dhimis ama qiimo kordhin.

Waxan muran lahayn in ganacsatada Shidaalka ee dalku u heshiiyeen bulshada reer Somaliland oo ay kooto u xidhan ka dhigteen qiimaha iibka ee shidaalka dalka soo gala, waxa kale oo ay heshiis ku yihiin inay dalka u iib keenaan shidaalka ugu tayada hooseeya, si aanay xagga qiimaha u kala duwanaan markay soo iibsanayaan, si ay qiimo isku mid ah ugu wada iibin karaan marka uu soo gaadho kaalmahooda shidaalka.

Sidaa darteed, waxa suurtagala in Xukuumaddu mar kale soo laba kaclayso dhawaaqeedii ahaa, inay la wareegi doonto gacan ku haynta keenista, keydinta iyo iibinta shidaalka, balse fursadda la siiyey ganacsatada shidaalka ee reer Somaliland, si ay uga waantoobaan sicir-bararka iyo kootada ay ku hayaan iibka shidaalka dalka.

Leave a Reply