Hargeysa: Xabaalaha State House oo Gurmad u Baahan iyo Dadweyne ka Hadlay

0
844

Hargeysa (Dawan):- Xabaalaha Xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa,ayaa noqday Qubuuro daadadkii kala dambeeyay ee roobabkii ka da’ay caasimadda Hargeysa ay waxyeelo kala duwan soo gaadhsiiyeen isla markaana qabuuraha qaarkood ayaa dumay oo lafaha dadkii ku aasnaa qaybo ma mid ahi ay dibedda u soo baxday gaar ahaan inta dhanka laagta xigta oo qabuuraha qaarkood ay noqdeen garbo tog ah oo maydadkii soo dhigtay bannaanka.

Dadka xaafadda State House ku nool ayaa ugu baaqay cid kasta oo gacan ka geysan karta daryeelka xabaalahaas in ay gacan ka geystaan intaan roobabka Gu’gu curan ee wax laga qaban karayo hadday tahay xabaalaha lafuhu dibedda uga soo bexeen iyo haddii dayr loo samayn karo ama biyaha laga duwi karo.

Qaar ka mid ah dadweynaha xaafadda  State House oo warbaahinta la hadlay ayaa bulsadha u diray farriin la xidhiidha wax ka qabashada xaaladda ay qabuurahaasi ku sugan yihiin.

“halkan aanu ku sugannahay waxaa weeyaan Xabaalaha xaafada State House-ka qaybtiisa bari, dhab ahaantii halkan xabaalo badan ayaa ku dayacan, kuwo daad qaaday roobabkii ugu dambeeyay ee Hargeysa ka da’ay, kuwo iskood imika u soo baxay, iyo kuwa aanu daadka intaanu ka reebnay aanu dib u aasnay.

Sida aynu innagu ugu baahannahay marka aynu geeriyoono in meel wanaagsan la innagu aaso, oo la innagu daryeelo ayay iyaguna u baahan yihiin in imika la daryeelo.

Dhab ahaantii waxaan ku baaqaya oo aan leeyahay, xabaalahani dayactir ayay u baahan yihiin”

Dadweynaha xaafadda oo aad uga hadlay sida ay xabaalahu gurmad ugu baahan yihiin iyo sida dadka xaafadda deggani aanaywaxba uga qaban karayn oo ay u yihiin dad danyar ah,ayaa yidhi.“Ciddii tabarucaadkaaasi ka qayb qaadan karta wixii aanu xabaalaha ku dayactirayno iyo dayrkii lagu xidhilahaa daadku waxyeeladii uu soo gaadhsiiyay wax ka qabashadeeda ayay u baahan yihiin.

Xabaalahani sidaasi ayay u dayacan yihiin, dadkii ku aasna waxaaa qaarkood muuqda   lafahoodii dibedda wada yaalla waxaa ay u baahan yihiin gurmad, waxaa aanu bulshada iyo xukuumaddaba ugu baaqaynaa in la iska kaashado  dayactirkooda.”

 

Leave a Reply