Murrashax Khaalid Cawil Curyaan oo lagu shaaciyey Madal kulmisay Qoor-weynta Waddani iyo Taageerayaal tiro badan

0
469

Munaasibad balaadhan oo ay ka qaybgaleen Hogaanka, Xisbiga WADDANI, Madaxdhaqameed, Aqoonyahan iyo boqolaal taageerayaal ah, ayaa habeenkii xalay lagu shaaciyey Murrashaxnimada Khaalid Cawil Curyaan oo uga tartamaya golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibadaasi waxa ka qaybgalay, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Hogaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan, Gudoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, masuuliyiin kale oo ka tirsan hogaanka Xisbiga iyo haldoor kale.

Geesta kalena Taageerayaasha Murrashaxa ayaa xafladaasi ku soo bandhigay cuddudooda iyo codka ay la barbar taagan yihiin Murrashax Khaalid oo ah aqoonyahan ka soo jeeda qoys caan ka ah Somaliland.

Khudbado ay halkaasi ka jeediyeen Madaxda Xisbigu ayaa waxa ay murrashaxa ugu rajjeyeen guul in uu ka gaadho tartanka Doorashada, noqdana xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo xaflada ka hadlay, ayaa sheegay in uu si rasmi ah u aqbalay murrashaxnimada Khaalid oo uu ku tilmaamay mid taariikh gal ah.

Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhaweeyey murrashaxa.

 

Murrashax Khaalid Cawil Curyaan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda murrashaxnimada sababaha ku kelifay iyo waxyaabaha u qorsheysan ee uu bulshada ku kasbanayo.

Murrashaxa ayaa sidoo kale si weyn ugu mahad-celiyey Taageerayaashiisa iyo Xisbiga WADDANI, waxaanu tilmaamay in uu xisbigaasi yahay mid kasbaday haldoorka Somaliland iyo taageerayaashooda.

Leave a Reply