Wasiirka Gaashandhigga oo gaadhay Jiida hore ee Ciidanka Qaranka

0
400

Hargeysa-(Dawan)-Wefti uu hoggaminayo Wasiirka Gaashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinaayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani iyo hoggaamo katirsan taliska guud ee ciidanka qaranka ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool.

Waftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobollada barriga Somaliland iyagoo gaadhi doona jiida ugu horeysa ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Tukaraq iyo Jiidaha Kale ee Gobollada Barriga Somaliland.

Leave a Reply