WEEDHA WARGEYSKA Dhaleecaynta Ciidanku waa Dhiirri-gelinta Cadawga

0
441

Hargeysa (Dawan) Guud ahaan dawladaha caalamku waxay leeyihiin oo dawlad waliba gaarkeeda u illaashataa sirteeda qaran ee ay ku taagan tahay kuna tahay dawlad, taasoo ah ciidamadeeda kala duwan iyo jiritaankooda oo ka reebban in sirtooda laga hadlo, la faafiyo la qoro.

Waxaanu arrimaha ciidamada sir uga dhigtay dalkastaaba in uu sii jiro oo qarankiisu uu taagnaado,si aan cadawgiisu u helin sir ciidankiisu leeyahayna waxaa dalalka caalamka oo dhan ka reebban in arrimaha ciidamada ficil iyo hadal midna fagaare lala istaago ama laga faalloodo,hadday warbaahinta kala duwan tahay iyo hadday baraha bulshada tahayba,waxaanay dhammaan caalamku ka siman yihiin in arrimaha ciidamada waddan leeyahay muwaadinka wax ka sheega ama faro geliyaa in uu yahay dambiile qaran waxaana loo aqoonsadaa in uu cadaw u ageeyo.

Dhawrsanaanta sirta ciidan ee dal leeyahay waa ta sababtay in caalamku isu diro basaasiin iyo sir doonno u xajko xidha dal kale sirtiisa ciidan in ay soo helaan, taasoo gaadhsiisan in illaa dayaxgacmeedyo la isu adeegsado si sir dal kale ciidankiisa in uun wax looga helo.

Xog daboolnaanta arrimaha ciidamadu waa ta sababtay in daalamka aynu ku nool nahay tiro aan toban dal gaadhin in ay haysato hubka Nukliyeerka.

Haddaba waxaa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed lagu faafinayay warar aan xaqiiqo ahayn oo ka dhan ah ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland taas oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen, siyaasiyiin, asxaabta mucaaridka iyo dad badan kale oo baraha bulshadu ku wada xidhiidho kaga faallooday haddalo male’awaal ah oo lid ku ah ciidanka qaranka Somaliland.

Dhammaan dadkaa ka hadlay arrimaha ciidanku may ahayn dad ciidan ah oo ku hadli kara afka ciidanka isla markaana ma jirin wax war ah oo ka soo baxay talisyada ciidanka qaranka sidaa darted dhammaan hadalada ka dhanka ah ciidanka qaranku waxay ahaayeen hadal aan la iska hubsan halkii ugu horraysay ee uu ka soo bilaabmay oo noqon karta cadawga Somailand.

Sababtoo ah cadawga Somaliland wuxuu saacad kasta u taagan yahay in uu qaranka Somaliland dal iyo dawlad ba in uu waxyeello u geysto, marba dhan ayaanu isku dayayaa in uu jallaafo uga dhigo dalkeena.

Guud ahaan shacbiga Somaliland way wada ogsoon yihiin hawsha ciidanku uu u hayo iyo kaalinta uu kaga began yahya waanan ka wada dheregsannahay in ciidanka la’aantii aynaan dawlad ahaaneen isla markaana aynaan ganacsanneen, shaqaysaneen, wax baraneen, nabad gelyo ku hurudneen, dal aan ciidan lahaynina in uu yahya dal la,aan waan wada ogsoonnahay.

Haddaba muwaadin ha noqon baasha uu ku duulo cadawga Somaliland hana dhaawicin damiirka xalan ee ciidanka dalka in aan hadal cadawga Somaliland soo ganay aanad rumaysan oo aanad ciidankaaga adigu cadaw ku noqon waa waajiba koobaad eek u saaran.

Marka qof muwaadin ah oo qarankiisa jecel oo aad tahay dalkiisa illaashanaya siday kaaga suuragashay in aad tidhaahdo ciidankiibaa halkiisii ka soo dhaqaaqay, taasi miyaanay ahayn dalkii ayaa qayb ka mid ah la qabsaday, marka ciidan jiid xuduud ah jooga soo dhaqaaqo miyaanu cadaw dalkaagii qayb ka mid ah qabsan.

Qofka waxaa faafinayaa ma ciidan jacayl iyo dal tudhaale ayaa haya ayaa la odhan karaa mise waa qf dalkiisa cadaw ku ah oo cid kale u adeegaya.

Dalku wuxuu leeyahya Dastuus iyo xeerar ka farcamay dastuurka oo sharci ah dhammaantoodna waxay mamnuucayaan oo ay dambi ka dhigayaan waxkasta oo lid ku ah ciidamda dalka oo ay ku kacaan muwaadiniinta dalka u dhashay iyo dhammaan ajaanibak dalka ku sugan.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dammaanad qaaday xuquuqda muwaadinka, auyaa sidoo kale jidaynaya waajibaadka muwaadinka saaran isla markaana iftiimiyay haddii uu waajidaadka waran ee saaran uu gudan waayo waxa uu mutaysanayo.

Qodobka 34aad, Faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya, WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA.

Dhinaca kale xeerka saxaafadda Somaliland, ayaa si cad u qeexaya in arrimaha ciidamadu ay yihiin lama taabtaan isla markaana aan laga faafin Karin waxkasta oo male’awaal ah oo aan sugnayn isla markaana aan ka soo bixin talisyada ciidada. xeerka Saxaafada Somaliland xeer no.27/2004, ayaa reebaya baahinta wararka la xidhiidha arrimaha ciidan ka qaranka ee sugnaashiyahooda madmadawgu ku jiro. Taas oo saamayn ku keeni karta amniga dalka.

Haddii dalalkii dimuquraadiyadda innooga horreeyay ee awoodda ciidan na isku filnaansha ka gaadhay, ay sirtooda ciidan dambi tahay haddii laga hadlo, maxaa Somaliland oo cadaw badan leh isla markaana isu tashi qarankeeda ku dhisatay oo jallaafooyinka cadawgu la damacsan yahay ay badan yihiin ay kaaga suura gashay muwaadin in war aan jirin oo qarankaa lid ku ah aad faafiso adigoo waliba beegsanaya halkii ugu mudnayd jiritaanka qarannimada Somaliland oo ah ciidanka aad ku negidahay.

Ogsoonow muwaadin in aad dambi qaran oo xadhig ciqaabeed ah in aad ku mutaysanayso wax ka sheegga iyo faafinta arrimaha ciidamada ee aan jirin.

Siyaasiyiinta Mucaaridka ah waxaa looga baahnaa in aanay ku deg deign arrimaha ciidamda ka hadalkooda laakiin waajibaadka saarani wuxuu ahaa in ay bulshada dareensiiyaan in hadalada ciidamada lidka ku ahi in ay yihiin hadalo ka yimi cadawga Somaliland oo weedhaha ciidamada wax lagaga sheegayaa ay yihiin weerar qaawan oo lagu soo qaaday qaranka Somaliland.

Muwaadin ka digtoonow wax ka sheegga ciidamada taas oo aad ku noqonayso dambiile qaran isla markaana aad ku mutaysanayso xadhig ciqaabeed aan sahlanayn.

cid kasta oo ciidamada arrimihiisa faro gelisaana waxay dalkan ugu astaysan tahay weedha ah: Dhaleecaynta Ciidanku waa Dhiirri Gelinta Cadawga:

Haddii sirta ciidan caalamku kala qarsaday oo ay reebban tahay in arrimaha ciidamada la fara geliyo nooc kastoo ay tahayna muwaadinka ay mamnuuc ka tahay in uu ka hadlo, maxaa adigana kuu diiday in aad dhawrto sirta dalkaaga oo aad ka hor tagto weedhaha male’awaalka ah ee cadawgu soo wadhfiyay.

Guntii iyo geba gebadii muwaadin yuu ku seegin marinka hadalku hana lumin xuquuqdaada aasaasiga ah oo ka hadal danta dalkaaga iyo gaar ahaan degmada aad ku nooshahay, hana noqon war mooge cadawga dalkiisu adeegsado.

Leave a Reply