Hay’adda Shaqaalaha oo Wargeysyada Dawan u Qabatay Kulan lagu Dersay Qorshaha Maaraynta Shaqaalaha

0
338

Hargeysa (Dawan): Kulan ay soo qaban qaabisay Hay,adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo lagu dersayay qorshaha maaraynta hawl qabadka iyo qiimaynta shaqaalaha.ayay wada yeesheen Madaxda Wargeysyada Dawan Media Group ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta.kulankaas oo shalay ka qabsoomay xarunta wargeysyada Dawan ee Hargeysa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Dawan Media Group,Madax qaybeedyada Dawan. Dhanka Hay,adda Shaqaalaha Dawladda waxaa ka socday Cali Maxamed Saalax agaasime ku xigeenka waaxda maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay fulinta iyo ku dhaqanka xeerka Shaqaalaha Dawladda si ay meesha uga baxdo isla xisaabtan la.aan isla markaana shaqaalaha niyadoodu u dhisanto oo ay yeeshaan yool ay higsadaan oo ku salaysan gudashada waajibaadkooda shaqo,kaas oo horseed ugu noqonaya shaqaalaha hawlqabadkiisa shaqo sida xeerku dhigayo u guta in uu ku heli doono abaal marin.dalacsiin iyo tababarada aqooneed ee uu u baahan yahay.

Taa bedelkeedana wuxuu xeerku waajibinayaa anshax marin.digniin iyo illaa qofku uu shaqadiisa ku waayi karo xil gudasho la,aan badheedh ah oo caado laga dhigto.

Agaasime ku xigeenka waaxda maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha ee hay,adda Cali Maxamed Saalax.ayaa sheegay in gudashada shaqadu ay ka bilaabanto subaxa iyo saxeexa soo gelidda shaqada,waxaanu intaa raaciyay in Hayadda shaqaalaha dawladdu qiimaynta ugu horraysa ee qofka shaqaalaha ah ay halkaa ka bilaabayaan.

Guddoomiyaha wargeysyada Dawan.ayaa uga mahad celiyay hay,adda Shaqaalaha dawladda in ay soo gaadhsiisay xeerka shaqaalaha dawladda

Waxaanu ballan qaaday in ay xeerka ku dhaqi doonaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada waaxda Dawan Media Group.

Kulankan.ayaa daba socday kulamo hore ay hay,adda shaqaalugu ugu soo qabatay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta. 

Waana kulankii sadexaad.

Waxaanay kulamo noocaas oo kale ah ay u qabatay Hay,adda shaqaalaha Dawladdo 23 wasaaradood.

Kulankaas, ayay labada dhinac iskula qaateen fulinta maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha iyadoo la raacayo xeerka shaqaalaha dawladdu in uu yahay guul usoo korodhay shaqaalaha dawladda Isla Markaana Hay,adda shaqaalaha dawladdu at qofka shaqaalaha ah ku qiimayn doonto formka xogtiisa maaraynta hawl qabadkiisa.

Guddoomiyaha Dawan.ayaa ballan qaaday in foomka xogta shaqaalaha oo sugan in ay u bilaabayaan shaqaalaha Dawan Isla markaana ay Hay,adda shaqaalaha ka sugayaan abaalmarinta iyo tababarada ay mutaystaan shaqaalaha ka soo baxa xil gudashadooda shaqo.

Leave a Reply