Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka Hadlay Cabasho Shacabka Kusoo yeedhay

0
343

Hargeysa-(Dawan)-

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in saacaddihii ay dhawaan macaamiishooda ku amreen in ay iibsadaan ay qayb ka tahaya koboca iyo horumarinta Wakaaladda.

Maareeye Daarood, waxa uu ka dhawaajiyey in dadka ka cabanaya qiimaha ay laba dariiqo u fursan yihiin “Barnaamijka Saacaddaha ee Wakaaladda Biyuhu waxa uu qayb ka yahay koboca iyo horumarka ay samaynayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Baahida keentayna, waxa weeye saacaddihii dalka iman jiray oo aanay tayadoodu fiicnayn, oo dhibaato badan ka dhex sababi jiray macmiilka iyo Wakaaladda Biyaha, markaa waxa weeye in shaqadaas la casriyeeyo oo ay hore u socoto, oo khaladaadkii fara badnaa ee dhici jiray la yareeyo” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo u warramayey Telefishanka Bulsho TV.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Doodda ugu badan ee soo noq noqonaysay waxay khusaysay xagga qiimaha, marka qiimaha laga hadlayo dadka laba ayaa u fursan, qofkii awooddaa inuu hal mar bixiyo, qofkii kale ee aan awoodina biilkiisa muddo billo ah loogu qaybiyo oo kolba sidii uu u awooddo uu u bixiyo.”.

Leave a Reply