Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (Taiwan ICDF) ayaa saaka ku kala saxeexday magaalada Hargaysa heshiis lagu horumarinayo barnaamijka E-Government oo ay wasaaraddu hirgalintiisa waddo.
Barnaamijka E-Government oo ka mid ah qorshayaasha fog ee wasaaradda ee 2019-2023 ayaa ujeedadiisu tahay sidii adeegyada dawladdu bixiso loogusoo dhawayn lahaa bulshadda.