Xukuumadda oo Taakulo u Fidinaysa in Ka Badan 16 Kun Oo Beeralay Ah

0
357

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta Magaalada Hargeysa ka daah-furtay Barnaamij lagu taageerayo Beeralay ka badan 16 kun oo ka mid ah Beeralayda Somaliland.

Munaasibad lagu Qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. Axmed Muumin Seed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Rooble Cabdi Muuse, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, madaxa Somaliland ee FAO iyo Masuuliyii  kale oo ka socday Hay’addaha ay Wada shaqayntu ka dhaxayso Wasaaradda Beeraha, waxaana halkaa Wasaaraddu ku faahfaahisay Taakulada loo fidinayo Beeralayda Dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Rooble Cabdi Muuse  ayaa sheegay in qorshahani uu qayb ka yahay dedaallada Wasaaraddu ku horumarinayso Beeraha iyo Beeralayda, sidaasi darteed Taakulo isugu jirta Siidh iyo Saacado la gaadhsiin doono 16 Kun oo Beeralayda.

Munaasibadda lagu shaaciyey Taakuladan oo ay hadallo ka soo jeediyeen Wasiirka Cadaaladda iyo Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. Axmed Muumin Seed, waxaanu Wasiirku sheegay inay Wasaarad ahaan Taakulada Beeralayda la siinayo lagu soo beegay xilliga gu’ga oo ku beegan dhamaadka bishan March, sidaasi darteed Beeralayda looga baahan yahay inay ka faa’idaystaan.

 

Leave a Reply