Awoodda Ducda Iyo Beryada!

0
619

Markii uu muddo badan Allah (sw) ka barayay inuu siiyo gabadh wanaagsan oo uu guursado, ayuu markii danbe guursaday gabadh.   Muddo markii ay wada noolaayeen ayay aad ugu xumaatay , muu niyad jabin laakiin haddana baryadiisa ayuu sii waday isagoo u adkaysanayay dhibteeda.

Isagoo weli xaaladaasi adag ku jira ayaa markii uu sanad qabay iyadu ka codsatay inuu iska furo, isaguna waa uu ka  aqbalay , markii uu furay ayu dareemay culaysa ka degay.

Muddo yar ka dib waxa uu haddana guursaday gabadh kale, waxa ay ahayd mid astaamihii uu Allah weydiistayoo dhan wada leh, iyadoo weliba intii Allah uu weydiistay ay ka sii badnaayeen sifaadka aya lahayd.   Markii uu arkay wanaageed ayu si fiican u xejistay oo uu dareemay in ducadii laga aqbalay iyo nimcada gabadha wanaagsan.  Waa xikmadah Allah (sw) , haddii aanu gabadhii hore soo arag may dhacdeen inuu dareemo wanaagga gabadhan danbe, waxa ay ahayd tababar Allah siiyay. Weliga ducda iyo beryada Allah haka quusan hana joojin, hana degdegsan.

Leave a Reply