Masuuliyadda Iyo Baadhista Denbiyada!

0
580

Baadhitaanka dembigu waa cilmi iyo aqoon loo adeegsado helidda iyo gaadhida xaqiiqda, taasi oo ah in la aqoonsado qofka denbiga galay, sababta, goobta iyo dhibanaha loo geystay oo noqon Kara qof ama koox ama qaran.

Baadhitaan dhammeystirani waxaa ka mid ah raadinta, wareysiyada, su’aalaha, ururinta caddaynta iyo ilaalinta hababka kala duwan ee baadhitaanka loo sameeyay.  Mr.David Bowers oo ah xubin ka mid ururka Mensa oo ay ku bahoobeen dadka IQ-ga sareeya ayaa qoray 835 mawduuc oo ah habka denbiga loo baadho iyo helidiisa.  Waxaana uu sheegay in marka ugu horaysa ay tahay: In Baadhuhu uu la hadlo dhibanaha haddii uu nool yahay, oo weydiiyo sida wax uga gaadheen, jidhkiisa, hantidiisa iwm. Iyo weliba goobta falku ka dhacay. Markiibana waxa uu ogaanaya qarada denbiga dhacay iyo  xeeladda ama aalada loo adeegsady.  Qoraalkaasina waa inuu faylka ku xafida.   Haddii uu joogo eedaysanaha waa inuu isagana war buux ka qaada, ka dibna eega meelaha ay iska waafaqayaan qiraalka eedaysanaha iyo qoraalka dhibanaha.

Waxaana uu uga gudbi karaa markhaatiyaal haddii ay jiraan, kuwaasi oo si kala duwan u waraysan karo, waana inuu adeegsada cilmiga saykooliga, isagoo su’aalaha weydiinaya ka dib warbixintooda. Cadaynta dhabta ah waxay ka soo baxdaa markhaatiga oo noqon kara kuwo been ka sheegaya dhacdada.  Waxa kale oo wanaagsan inuu tago goobta falku ka dhacay hadii ay suuratagl tahay oo mar kale waraysto dadka jaarka la ah goobta.  Baadhaha shaqadiisu waa inuu cadeeyo denbiga dhacay iyo cidda geystay iyi goobta oo si cad loo soo bandhigo.  Xukunku waxa uu yaalla garsoorka. Xalka denbiyada soo noqnoqdaana waxay u yaalaan xukuumadda, taasi oo ay waajib ku noqonayso inay joojiso sababaha keenaya.

Leave a Reply