Abaal Marintii Dagaalku Baabiiyay

0
511

Abaal marinta nabadda ee Nobel waa mid ka mid ah shanta abaal marinood ee Alfred Nobel u sameeyay sanadkii 1895. Ilaa manta lama garanayo sababta uu abaal marinta nabadda uga dhigay mid ka mid ah abaal marinada kale oo iyagu kala ah ChemistryLiterature,  Physics, Physiology or Medicine.

Abaal marinada aan nabada ahayn waxa la siiyaa qofka wax ku soo kordhiya, lakiin tan nabadda kolba qof ka la doono ayaa la siiyaa kaasi oo la sheego inuu nabadda ka sheqeeyay. Laakiin dad badan ayaa aaminsan inu Nobel ahaa ninkii curiyay Miinada inkastoo aan la isticmaalin intii uu noolaa, haddana uu ula jeeday inuu abaal marinta nabadda uu ku dhiirgeliyo nabadgelyada madaama uu hore u curiyay Miinada halaagga ah.

Sanadki 1939 ayaa loo sharaxay inu abaal marinta nabadda la siiyo Adolf Hitler, iyadoo la sheegay in markaasi lagu dhiirigelinayay si uu nabadda uga sii sheqeeyo nasiib daro wakhtigii la siin lahaa waxa ka soo hormaray dagaalkii labaad oo bilowday. Waxaana Hitler si loogu dhiirgeliyo inuu nabadda qayb ka qaato ka dib hanjabaadiisa badan.

 

Leave a Reply