Agaasimaha W. Deegaanka Oo Sanaag Ka Dhagax Dhigay Xarunta Kobcinta Dhirta

0
446

Ceerigaabo (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga C/naasir Axmed Xirsi, Somaliland ayaa shalay gobolka Sanaag ka dhagax dhigay xarun loogu tallo galay kobcinta dhirta kala duwan.

Waxaana xaruntaasi laga dhagax dhigay meesha loo yaqaano Shurka oo ka tirsan deegaanka Jiidali oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Waa xaruntii labaad oo ka mid ah mashruuca REEV reducing economic and environment vulnerability, kaasoo ay wsaaaradda deegaanku ku kordhinayso xarumaha kobcinta dhirta.

Waxaanay noqonaysaa xaruntii 8-aad ee nooceedda ah oo dalkoo dhan laga hirgeliyo, kuwaasoo saddex ka mid ah ku yaalaan gobolka Sanaag, halka lixda kalena ay ku kala yaalaan goboladda kale ee dalka.

U jeedadda laga leeyahay hirgelinta xarumahan dhir kobcinta ayaa qayb ka ah ka hor tagga xaalufka ku dhacay dhirta iyo deegaanka iyo si loo hello dhir bedesha kuwii dhamaaday.

Xaruntan xanaanaynta dhirta ee uu shalay dhagax dhigay agaasimaha guud ayaa qorshuhu yahay in sanad kastaba laga soo saarro 24000, oo geed.

Dhirtaasi oo isugu jirta dhirta Calafka xoolaha (Daaq ama caws), ta Midhaha ah ee bini’aadamku quuto, ta quruxda iyo dhirta Hadhka laga hello.
Sida uu sheegay C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, “Waxaan maanta (shalay) halkan oo ah meesha loo yaqaano Shurko oo ka tirsan deegaanka Jiidali ee gobolka Sanaag in aan ka dhagax dhigno xaruntan Bacriminta dhirta.

Xaruntani waxay noqonaysaa xaruntii 8aad ee wadankoo dhan laga hirgeliyo. Lix xarumood oo hore ayaa wadanka jirtay, Sanaag na waa tii saddexaad oo laga hirgeliyo.

Waxaanu qiyaasaynaa in aanu sanadkii ugu yaraan 24000, oo geed halkan ka soo saarno.

Dhirtaasi oo isugu jirta dhirta Calafka xoolaha (Daaq ama caws), ta Midhaha ah ee bini’aadamku quuto, tii quruxda iyo tii Hadhkaba” ayuu yidhi C/naasir Axmed Xirsi.

Waxa kaloo uu agaasimuhu intaas raaciyay in ay ka wasaarad ahaan dedaal ugu jiraan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka soo waajahay dhirta iyo xaalufka deegaanka ku dhacay.

Waxaanu yidhi, “Wasaarad ahaan waxaanu dedaal ugu jirnaa sidii aanu uga hor tegi lahayn xaalufka ba’an ee dhulka lagu hayo iyo dhirta la jarayo”.

Dhagax dhiga xaruntan dhir kobcinta waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay Ismaaciil Cabdi Xasan, badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag, isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sanaag, xubno ka tirsan golaha deegaanka Ceerigabao iyo masuuliyiin kale.

Bedka dhulkaasi ayaa dhan 6MT oo laba jibaaran, kaasoo loogu tallo galay in lagu beerro noocyadda kala duwan ee dhirta, sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sanaag.

Ismaaciil Cabdi Xasan, badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweeyay mashruucan dhir beerista labadda xarumood ku yeelanayo gobolka Sanaag.

Waxaanu tilmaamay in gobol ahaan ay yihiin midka ugu balaadhan Somaliland, isla markaanadeegaanka Shurko uu ku haboon dhir kobcinta. “ Aad iyo aad baan u soo dhawaynaynaa mashruucan xanaanaynta dhirta ee deegaankan Surka laga hirgelinayo.

Hawshani waa mid aad u muhiim, gobolkana waa gobolka ugu dhulka badan dalka ee ugu balaadhan. Meeshan laga hirgelinayaana waa meel macquul ku ah” ayuu yidhi badhasaab ku-xigeenka Sanaag.

Geesta kale, dadweynaha ku nool deegaanka Surka ee xaruntaasi laga hirgelinayo ayaa soo dhaweeyay hirgelinta xaruntaasi oo ay ku tilmaameen mid faa’iido weyn u eh gobolka Sanaag gaar ahaana deegaankoodda.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland waxaa Khamiistii doraad magaaladda Caynaba ka dhax dhigay xarun loogu tallo galay xanaanaynta dhirta.

Taasoo ka mid ah mashruuca ay wasaaradu ku hirgelinayso samaynta xarumo lagu beerro noocyadda kala duwan ee dhirta.

Leave a Reply