Gabadh U Dhalatay Dalka Nigeria Oo Sheegtay Sababta Ay U Doonayaa In Ay Ku Laabtaan Iskuulkii Laga Afduubtay.

0
351

Nigeria (Dawan)- Gabadh laga afduubtay dugsi sare oo ku yaala gobolka Zamfara ee Dalka Nigeria ayaa sheegtay in inkasta oo dhibaato fool xun ay soo gaadhay ay danaynayso inay ku laabato iskuulka.

Gabadhan oo la hadashay BBC Hausa, oo aanan magaceeda la shaacinin ayaa ka warantay habeenkii ay dabley hubaysnayd qabsadeen 279 arday oo ay ka mid ahayd, balse waxa ay sheegtay in dhacdadaan aysan waxbarsheeda ka raabi doonin.

“Runtii waxaan rabaa inaan ku laabto iskuulka maxaa yeelay waxaan rabaa inaan yeesho mustaqbal ifaya, balse waxaan u baahanahay dowladda inay ciidammo nabad galyo oo joogto ah geyso iskuulkeena ka hor inta aanan dib ugu noqonin.” ayay tidhi.

Waxay sharaxaad ka bixisay sida jugta culus iyo dhawaqa rasaasta ee hurdada ka kiciyay abbaare 01:00 Jimcihii , iyadoo rag hubeysan ay soo galeen qolka ay ku jireen , taasoo naxdin ku reebtay inta badan ardayda.

“Waxaan u haysannay inay yihiin macalimiinteena oo raba inay noo kiciyaan salaada subax.

“Waxaan maqalnay dhawaaqa rasaasta, wax yar ka ddibna rag hubaysan ayaa qolkeena soo galay markaas ayaan wada qaylinnay,” ayay tidhi.

Waxay ku hanjabeen in ay toogan doonaan cidii sii qaylisa, iyaga oo ka sii cabsi qaba gabdhaha.

Gabdhaha ayaa markaa la isugu keenay barxadda iskuulka waxaa lagu amray inay u sheegaan ardayda kale halka ay ku dhuumanayaan

“Qaarkood way nala joogeen halka kuwa kale ay aadeen qolalka kale ee hadhsan oo ay ka soo heleen ardayda kale. Kadibna waxay nagu amreen inaan ka baxno iskuulka, iyagoo rasaas hawada u ridaya, waxayna nala aadeen dhanka kaymaha iskuulka ka dambeeya,” ayay tidhi.

Kooxo hubeysan oo ka howlgala Zamfara ayaa inta badan afduub ka fuliya halkaas, si ay u helaan madax furasho, laakiin markii rag hubeysan ay in ka badan 300 oo wiilal ah ka kaxeysteen Kankara oo deris la ah gobolka Katsina bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in kooxda Boko Xaram, oo ka howlgasha waqooyiga-bari ay ka dambeeyeen weerarka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply