Shaqaaqo ka Dhacday Gobolka Sool oo sababtay Khasaare Nafeed

0
436

Laascanood-(Dawan)-Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa ka warbixiyey shaqaaqo ka dhacday dulleedka dhinaca Waqooyi ee magaaladda Laascaanood, shaqaaqadaas oo salka ku haysay arrimo dhul.

Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu sheegay in ay jiraan dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo shaqaaqadaas ku dhintay, kuna dhaawacmay, isaga oo cadeeyey in ay goobtaas la wareegeen ciidamada amaanka ee Somaliland ee magaaladda Laascaanood.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sool sheegay in ciidamada Booliska Somaliland ee magaaladda Laascaanood ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii shaqaaqadaas dhuleed ka dambeeyey oo shan nin ka koobnaa, isla markaana ay gacanta dawladda ku jiraan.

Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu tilmaamay in ay ka dawlad ahaan joojiyeen arrimaha Dhulka muddo saddex bilood ah, madaama oo dalku uu doorasho gelaayo ,waxa uu sidoo kale fariin u diray dadka reer Laascaanood iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay ruuxa shaqaaqadaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba, isaga oo usoo jeediyey in ay is dejiyaan, isla markaana raggii shaqaaqadaas ka dambeeyey ay gacanta ku hayaan dhammaantood, wixii dambena dawladda lala soo socodsiiyo, madaama oo xafiisyadda dawladdu ay furan yihiin.

Ciidamada Booliska ee gobolka Sool ayuu badhasaabku uga mahadceliyey sidii ay uga hawlgaleen shaqaaqadan arrimaha dhulka ku saabsanayd ee ka dhacday duleedka magaaladda Laascaanood.

Leave a Reply