Wasaaradda Tamarta oo hoos-u-dhigtay Qiimaha Korontada Laascaanood

0
489

Laascaanood (Dawan)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa soo saartay go’aan hoos loogu dhigay qiimaha istcimaalka adeega korontada, isla markaana ku wargelisay shirkada korontada Laascaanood inay ku dhaqmaan.

War saxaafadeed Wasaaradda Tamartu soo saareen khamiistii ayaa lagu sheegay in hadafkeedu yahay sidii bulshadu u heli lahayd koronto jaban, oo la isku halleyn karo, taasoo fure u ah horumarka bulshada iyo koboca ganacsiga.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dhowaan barnaamijka ESRES iyo shirkada korontada Laascaanood ee LESCO fuliyeen mashruuc lagu hirgeliyey xarun laga dhaliyo tamarta cadceeda awooweedu gaadhayso 1800 kWp.

Wasaaradda Tamarta ayaa sheegtay si faa’iidada mashruuca loo gaadhsiiyo bulshada, soo saartay go’aan hoos loogu dhigayo qiimaha korontada laga bilaabo 1da bisha March, taasoo guryaha halkii waat hore ahaa 0.80 noqon doonto 0.50, halka ganacsiyadda yaryar oo hore ahaa 0.70 nooqn doono 0.50. sidoo kale ganacsiyada waaweyn iyo qeybaha kale ayaa hoos loo dhigay qiimaha korontada.

War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa loogu mahadceliyey xukuumada Ingiriiska maalgelinta mashruuca ESRES, isla markaana, loogu baaqay Komiishanka Tamarta Korontada Somaliland inay hubiyaan ku dhaqanka go’aanka ee shirkada LESCO.

Leave a Reply