Weerarada Dagaalada Ee Qarsoon!

0
476

Markii uu socday dagaalkii sanadkii 1973 dhexmaray ee dhexmaray Carabta iyo Israa’iil ,dayuuradaha dagaalka ee  Yuhuuda ayaa weerar bambooyin ah ku qaaday Marabka Maraykanka ee lagu magacaabo USS Liberty. Dawladda Maraykanka iyo Israa’iil ayay labaduba wakhtigaasi sheegeen inay ahayd weerar si khalad ah u dhacay oo aan loola kasin.

Si kasta ahaatee waxa mar danbe la ogaaday in duuliyayaasha Israa’iil iyagoo garanaya inuu yahay Markabka Maraykanka ee USS ay weerarka ku qaadeen. Maraykanka laftiiisa ayaa arinkaasi ogaaday in weerarku ahaa mid si u kas ah u dhacay. Arinkan ayaa ka mid ah siraha aan la shaacin. Maraykanka ayaa la sheegay in uu arinkaasi u faafin waayay isagoo saaxib dhow ay yihiin Yuhuudda. Waxase ilaa hadda aan cidna cadayn karayn sababta Dayuuradaha Israa’iil u weerareen Markabkaasi iyagoo garanaya iyo siraha ku qarsoon weerarka. Waana arin ka mid ah xal xidhaalayaash dunida ee aan weli la furfuran

Leave a Reply