Xisbiga UCID oo Bilaabay Xaraynta Dukumentiyadda Murashaxiinta Rasmiga

0
378
Hargeysa-(Dawan)_Xarunta Dhexe Xisbiga Mucaaridka ee UCID uu Hargeysa ku leeyahay iyo guud ahaan Xarumaha UCID ee Goboladda iyo Degmooyinka Dalka ee Somaliland’ waxa Saaka si Habsamiya uga socoto hawshii xaraynta Dukomentiyadda Murashaxiinta Doorashadda Wakiiladda iyo Deegaanadda Jsl’ Gaar ahaan Murashaxiinta sida rasmiga u buuxiyey dhamaan Sharciyadii iyo Shuruudihii Hay’addaha ay Khusaysa uga baahnaayeen u dhamaystiray inay Doorashadda ka qaybgalaan
Murashaxiinta Doorashadda Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka uga qaybgalaaya Xisbiga Mucaaridka ee UCID guud ahaan Goboladda iyo Degmooyinka ee Somaliland ayaa tiradoodu dhantay #249 waana murashaxiinta Rasmiga ee doorashadda ka qaybgeli doona ee buuxiyey shuruudihii looga baahna isla markaana Dukumentiyadooda ay Madaxda Xisbiga UCID ee Xarumaha gobolada iyo degmooyinka Somaliland ku kala sugani bilaabeen inay Saaka ka Xareeyaan murashaxiinta Dukumantiskooda.
Hawlihii xaraynta Murashaxiinta Golaha Deegaanka Degmooyinka Somaliland oo tiradoodu dhantahay 249 ayaa saaka si habsamiya uga socda xarunta dhexe ee Xisbiga Ucid.

Leave a Reply