Bakteeriyada Iyo Baruurta Jidhka!

0
395

Daraasad cusub ayaa daaha ka rogtay arrimaha sababa cayilka xoogan, kuwaasi oo hore u qarsoonaa. Aqoonyahano ka tirsan Jaamacadda Chicago ee Dalka Maraykanka ayaa cilmi baadhistan hagayay.

Khabiirka lagu magacaabo Mr. Eugene Chang oo ka mid ahaa kooxdan ayaa yidhi:” markii aanu bilownay cilmi baadhistan waxa aanu raacnay dariiqooyin cusub oo ka duwan kuwii hore, waxa aan xoogga saarnay xiidmaha yar, kaasi oo aanu gudihiisa ku aragnay nooc cusub oo bakteeriya ah oo kaalin weyn ka qaadata howlaha dheefshiidka iyadoo kordhisa xadka buurnida jidhka”.

 

Cilmi baadhahan ayaa intaasi raaciyay:  “ Waxaan ogaanay in Bakteeriyadaasi ay tahay nooca  Clostridiaceae loo yaqaanno, waxa ay saameyn weyn ku leedahay habka uu jidhku u nuugo baruurta, waxa ay soo saartaa dheecaanno buurnida iyo baruurta caawiya. Si loo hubiyo habka ay bakteeriyadaasi u shaqayso waxa aan ku talaalay Jiirka, waxaana noo soo baxday inuu si cad culayska miisaankuusu u kordhay.”

Leave a Reply