Maroodiyaasha Iyo Soo Dhowaynta Guga!

0
365

Dalka Hindiya dadka ku nool magaalada Jaybur ee caasimadda gobolka Rajistana ayaa sameeya xaflad ciid ah oo ay ku soo dhoweeyaan curashada xiliga guga ee roobku bilaabmo.

Xafladdan ayay sameeyaan inta badan bisha March, waxaana ay magaalada badhtamaheeda la isugu keenaa Maroodiyaal la qurxiyay oo la huwiyay dhar kala duwan.

Dadka deegaanka oo ka soo jeeda qoomiyadda Hinduuska ayaa aaminsan in haddii aan la soo dhowayn xiliga Guga aanu mar danbe soo noqon doonin xiliga barwaaqada ee roobku da’o.  Waana caado ay leeyihiin dadka noloshooda iyo barwaaqadooda ku xidhay is bedelka xiliyada iyo wakhtiyada kala duwan ee dunida, kuwaasi oo aan aaminsan khurafaad iyo been.

 

Leave a Reply