Saldhiga Uu Ka Bilaabmay Dagaalku!

0
556

Markabka dagaalka ee Jarmalka laguna magacaabi jiray “Schleswig-Holstein”  waxa la sameeyay sanadkii 1906. Waxa uu ahaa Markab loogu talo galay ciidamada Badda iyo tababarkooda.

Markabka ayaa ku soo xidhay dekedda Gdańsk 25kii Ogosto 1939, iyadoo la sheegay inuu booqasho sharaf ku yimid. Laakiin waxa la socday oo ku qarsoonaa 225 askari.

Subaxnimo hore oo ahayd Bisha September 1, sanadkii 1939, ayuu ku bilaabay duqayntii ugu horaysay ee dagaalkii labaad saldhigyada difaaca hore ee ciidanka Poland oo ku yaallay deegaanka Westerplatte Peninsula.

Ciidanka cirka ee “ Royal Air Force” ee dalka Ingiriiska ayaa  18kii Diseembar 1944, burburiyay Markabka  “Schleswig-Holstein” , waxaana ay quusiyeen badda.

Magalaada marakabku Gdansk ayuu hogaamiyihii Jarmalku Mr. Hitler   doonayay inuu qabsado, madaama dadka u badani ahaayeen Jaramal kuwaasi oo gaadhayay 85%. Dadkaasi ayaa markii dagaalka lagu jebiyaya Jaramalka laga eryay dalka Poland waaana dhibaatada dagaaldu ay keenaan.

 

Leave a Reply