Farxda Qofka Iyo Bulshadu Waa Ay Isku Xidhan Yihiin!

0
351

Macalinka ayaa ardayda u sheegay in imtixaan la qaadi doono maalinta berri, loona soo diyaar garoobo.  Maalintii ku xigtay arday kasta diyaar ayu ahaa.  Markii macalinku fasalka soo galay ayuu ku yidhi “ arday kasta magaciisa haku qoro warqaddiisa”. Markii ay ku qoreen ayu haddana iyadoo madhan ka ururiyay oo magaca oo keliya uu ku qoran yahay.

Baraha ayaa Miiska macalimiinta saaray waraaqihii, waxaana uu ardaydii ku yidhi: “ arday kasta waa inuu warqadiisa si dhakhso ah ugala soo baxo si uu imtixaanka ugu galo”. Dhamaan ardaydii ayaa mar keliya wada kacay oo is wada cidhiidhyay , laakiin midkoodna ma helin, waayo mid kastaa marka ay waqadiisa noqon weydo haddana wuu ku celinayay.

Maclinka ayaa intaasi ka dib ku yidhi “ Joojiya”. Markii ay joojiyeen ayuu haddana ku yidhi : “ arday kasta warqadda uu soo saaro ha siiyo ardayga ay magaciisa ku qoran tahay”. Markii ay sidaasi sameeyeen markiiba way la soo wada bexeen, iyadoo cidhiidhigii iyo dhibtiiba dhamaatay”.

Macalinka ayaa markaasi ku yidhi “ noloshu waa sidaa, mar kasta farxdaadu waxa ay ku jirtaa qofka kale ama saaxiibka farxadiisa, markaad warqadiisa siisay ee uu farxay, adigana taadii ayuu mid kale ku siiyay oo aad ku farxday. Haddii aanay ardaydu sidaasi yeelina , wakhti badan ayay ku qaadan lahayd, waana ay adkaan lahayd in arday kasta si fudud ku helo xaashidiisa.

Leave a Reply