“Waxan Qof Nasiib Badan”!

0
549

Dad badan oo dunida ku nool ayaa diiwaanka loogu qoraa inay yihiin dad aad u nasiib xun oo noloshu dhibaato ku tahay, halka kuwo kalena lagu sheego inay yihiin dad nasiib badan. Laakiin arrimaha dhacaya waa kuwo Qadar Allah (sw) la xidhiidh oo aanu qofka aadamigu maamulkeeda waxba ku lahayn.

Ninka lagu magacaabo Frank Silac oo dhashay June 14, 1929, kana soo jeeda dalka Croatia waxa uu ahaa macalin miisiga bare sare ku ah, waxaan ku dhacay dhacdooyin shilal  xidhiidh ah oo naxdin badan oo haddana uu ka badbaaday. Waxaana uu aaminsan yahay inuu yahay qofka ugu nasiibka badan dunida, madaama ay da’diisu manta tahay 91 sano, oo haddana uu ka soo badbaaday shilal dad badani ku dhintee.

Odayga Farnk  markii ugu horaysay tareen uu la socday  ayaa ku dhacay meel webi ah waxaana la dilay dhamaan rakaabkii saarnaa isaga mooyee. Shil kale ayaa ku dhacay ka dib markii isagoo   gaadhigiisa wata uu isku deyay inuu dhaafo gaadhi xamuul ah, laakiin shil xun ayaa halkaasi ka dhashay  waana uu ka nabad galay markii gaadhigiisa uu ka dhacay,  laakiin gaadhigiisa ayuu arkayay isagoo ku sii dhacaya dhul hoose. Waxa kale oo uu ka badbaaday shil dayuuradeed.

Ninka lagu magacaabo Mr.Honlen oo u dhashay dalka Ingriiska ayaa isagana lagu sheegaa inuu yahay kan ugu nasiibka xun dalkaasi, inkasta oo dhinaca kalena la odhan karo waa qof aad u nasiib wanaagsan. Ninkan ayaa 16 jeer ka badbaaday shilal isdaba joog ah oo uu la kulmay sida shilal gaadhi, Hilaac asiibay. Waxa kale oo yaab noqotay in markii uu geed ka soo dhacay ee uu ka jabay lugta lana geeyay dhakhtarka uu gaadhiga siday uu shil galay, iyadoo halkaasi uu dhaawac kale soo gaadhay.

 

Leave a Reply