Jimciyada Al-Raxma oo Booyado Biyo ah Gaadhsiiyay Degaano Hoos Yimaadada Degmada Xarshin

0
563

Hargeysa (Dawan) – Fu’aad Saxardiid oo ka mida masuuliyiinta Jimciyada Al-Raxma ayaa sheegay in degaanadaas ay gaadhsiiyeen booyadaha biyaha ahi ay yihiin kuwo jimciyadaasi qiimaysay baahida biyo-yaraaneed ee ka jirtay deegannadaasi.

Sheekh Cabdale Maxamed Ibraahin gudoomiyaha Jimciyada Al-Raxma Al-Khayriya, ayaa sheegay in deeqdaas booyadaha biyaha ahi ay dhammaayeen 16 booyadood, kuwaas oo jimciyadaasi ugu talo gashay in ay kaga qayb qaataan gurmadka biyo dhaamiska ah ee dadka ku nool degaanadaasi oo ay soo foodsaartay xaaladda biyo la’aaneed.

Gudoomiyaha Jimciyada Al-Raxma Sheekh Cabdale Maxamed wuxuu xusay in deeqdaas biyaha ah ee la gaadhsiiyay dadka ku nool degmada Xarshin iyo degaanada hoos yimaada ay iska kaashadeen haweenka qurab-jooga ah eek u nool magaalada Biristol ee dalka Ingiriiska iyo kuwa ku sugan Somaliland, waxaanuu ku amaanay kaalinta ay ka qaateen gurmadkaas biyo dhaamiska ah.

Ugu dambayn gudoomiyaha degmada Xarshin Cabdinaasir Sulub Cabdi ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku lahayd in deeqdan booyadaha biyaha ah la soo gaadhsiiyo degmada uu masuulka ka yahay iyo degaanada hoos yimaada, gudoomiye Cabdinaasir Sulub wuxuu sheegay in illaa 90-tuulo degmadaas hoos yimaada ay ka jirto baahi biyo-yaaraaneed, waxaanuu soo jeediyay dadka in la iska kaashado sidii gurmad biyo ah loo gaadhsiin lahaa.

Leave a Reply