Wasiirka Biyaha oo Xadhiga ka Jaray Xarun Caafimaad oo laga hirgaliyey Deegaanka Balliga Cas

0
352

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex, Gudoomiyaha Komiishanka Tamarta iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgaliyey deegaanka balliga cas ee degmadda Daara-salaam.

Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmadda Daarasalaam, Xubno ka mid ah Murashixiinta doorashooyinka inagu soo foolka leh oo tilmaamay ahmiyada ay xaruntani u leedahay bulshadda ku dhaqan deegaankaasi waxay ku booriyeen dadka deegaankaasi inay ilaashadaan Xarunta Caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee loo hirgaliyey.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed Gudoomiyaha Komiishanka Tamarta Axmed Faarax Cadare oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey Cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgalinta Xaruntan caafimaad waxayna sheegeen inay tahay arrin ku dayasho mudan waxqabadka ay suurto geliyeen bulshadda ku nool deegaankaasi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Caafimaadka iyo biyuhu ay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee Suurtogeliya nolol,waxa uu Wasiirku xusay in Wasaarad ahaan ay balan qaadayaan Sidii ay dadweynaha deegaankaasi gacan uga siin lahaayeen helitaanka biyo ku filan waxaa kale oo Wasiirku u mahadceliyey Ururka Baahi koob iyo bulshadii ka qayb qaadatay in xaruntan Caafimaad la hirgaliyo.

Leave a Reply