Madaxda Xisbiyada iyo Xukuumadda oo Qaatay Dhibcaha Tallaalka Covid-19

0
292

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, guddoomiyaha xisbiga UCID, Mudane Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa qaatay dhibacaha tallaalka waxaanay bulshada kalsooni ku siiyeen inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani leeyahay iyo halista uu noloshooda u leeyahayba, iyagoo sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay u hoggaansamaan tallaabooyinka lagaga hortegayo xanuunkan.

 

Dhinaca kale Xubnaha Komishanka qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), wasiirrada wasaaradaha  Qorshaynta qaranka Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gafaadhi), Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa iyaguna dhammaantood qaatay dhibaca tallaalka xanuunka COVID-19.

 

Xanuunka ayaa samayn xun ku yeeshay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland  gaar ahaan gobollada Maroodijeex, Togdheer, Awdal iyo Sanaag oo tirada dhimashadu ku badan tahay waxanu ka jira degmo iyo tuulo guuud ahaan dalka .

Leave a Reply