Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL Oo Soo Gabo-Gabeeyay Tartan Suugaaned Loo Qabatay Qaar Ka Mida Ardayda Dugsiyada.

0
518

Hargeysa-(Dawan)-Siciid Ibaraahin Dool madaxa hal-abuurka waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tartankaasi dhex maray oo ay ku tartamaayeen boqol iyo laba iyo toban qof, kuwaas oo ku tartamaayay afar mawduuc oo kala ah kufsiga, wasbarashada, masuuliyada waalidka ka saaran ubadka iyo kaalinta macalinku ku leeyahay tarbiyada ubadka.

Siciid Dool wuxuu xusay in tartankaas ay ku soo bexeen laba iyo toban hal-abuur, kuwaas oo kaalmaha kowaad, labaad iyo saddexaad ay u galeen afartaas mawduuc, waxaanuu intaa ku daray in tartankaas ay ugu dabayn isugu soo hadheen ama ku guuleysteen laba iyo toban xubnood oo mid ka midi ahi ay inan tahay.

Geestiisana agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Xasan Cali Waji, ayaa sheegay in tartankaas ay gacanta ku hayeen guddi aqoon u leh suugaanta, kuwaas o si cdaalada ah u kala saaray dhalinyaradii tartamaysay, waxaanuu agaasime Waji Intaas ku daray in tartanada soo sacda ay noqon doonaan kuwo lagu tartami doono tix iyo tiraaba.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacty’gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu tartanada noocan oo kale ah ay sii xoojin doonto, agaasime Maxamed Yuusuf wuxuu xusay in wasaaradda warfaafinta ay ka tirsan yihiin abwaano magac ku leh suugaanta, kuwaas oo waxbadan u kordhin kara da’a yarta suugaanta jecel ama curisa.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mise Maxamed, gudoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahin Jaamac, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada Axmed Abokor, shaqo gelinta Cabdirashiid Ibraahin, abwaano iyo xubno kale oo goobtaas hadalo ka jeediyay ayaa iyana waxay soo dhaweeyeen tartan suugaaneedkaas, iyagoo wasaaradda ku bogaadiyay qabashada tartankaas.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bogaadiyay xubnaha ku guuleystay tartankaas, waxaanuu wasiir  Koore ku dhiirigeliyay dhalinyaradaas inay dadaalkooda la xidhiidha curinta suugaanta halkaas ka sii wadaan, si ay uga gaadhaan heer ka sareeya ka ay hadda ka gaadheen.

Ugu dambayn waxa halkaas shahaadooyin iyo abaal marino kaleba lagu guddoonsiiyay guuleysteyaashii tartankaas dhanka suugaanta ah ee ay qabatay waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland

Leave a Reply