Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland Oo Kormeeray Degmooyinka ay Ka Socoto Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyada

0
578

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland waxa kormeerkaas ku wehelinaayay, maayir Ku Xigeenka Casimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi  Iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Hargeysa Siciid Nuur iyo masuuliyiin ka tirsan wasaardda dastuurka Somaliland.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka Axmed Dhagax, Axmed Macalin Haaruun iyo 31-ka May ayaa wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ku bogaadiyay hirgelinta barnaamijkaas barashada dastuurka Somaliland, kaas oo ay ku tilmaameen mid loo baahnaa.

Ugu dambay Maxamed Xaaji Aadan wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa sheegay in barnaamijkaasi yahay mid kor loogu qaadayo fahamka bulshada ee darstuurka Somaliland, wasaaradduna ay qaadatay siyaasad ay ku kobcinayso barashada bulshada ee dastuurka Somaliland.

Leave a Reply