Dhallinyaradda Jaamacada Hargeysa oo  ka Faa’idaysatay Barnaamij lagu baranayay Xirfado kala Duwan

0
396

Hargeysa (Dawan) Xarunta Ignite Career Hub, ee jaamacada Hargeysa iyo hay’adda caalamiga ah ee Oxform, ayaa iska kaashaday tabbabar loo fidinayay dhallinyaro tiradoodu dhan tahay saddex boqol oo oo ah ardayda wax ka barata Jaamacada Hargeysa.

Iyada oo muddadii tabbabarku socday lagu baray duruus iyo aqoon kala duwan oo khuseeya xirfadaha shaqo helista iyo suuq geynta xirfadahooda shaqo raadinta ah.

Maxamed Cabdi Dool, oo ka mida ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa, ayaa ka hadlay wixii uu ka faa’iiday tabbabarka muddadii uu socda “Tababarkan waxaa aan ka faa’iiday waxyaabo aad u mihiima oo noloshayada anfacaya, taas oo ay ugu mihiimsan tahay sidii qofku CV u qoran lahaa, kaas oo uu qofku naftiisa dadka kaga iibinayo.

Sidoo kale waxaa meesha nalagu baray in qofku marka uu meherad ganacsi abuurayo waxyaabaha loo baahan yahay ka hor furitaankeeda in uu ogaado, waxaanu uga mahad celinayna hay’adda Oxform iyo jaamacada Hargeysa oo iska kaashaday”

Asma Xuseen Cartan oo ka mida hablaha tabbabarkani ka faa’idaystay ayaa faahfaahin dheerada ka bixisay waxyaabaha uga kordhay tabbabarkani muddadii uu socday waxaanay tidhi. “Waxyaabo badan ayaan ka faa’iday oo ay ka mid tahay xirfadaha nolosha qofka kaaba, isla markaana wax badan ka tari kara geedi socodka mustaqbalkiisa, xarumaha shaqada markaad tagto qaabka aad u dhaqmayso.

Waxyaabaha kale ee aanu ka faa’idnay waxaa ka mida hal abuur ganacsi sidii aad u sameyn lahayd, waxaan rajaynaya in ardaydii ka faa’idaysatay uu mihiimad balaadhan u leeyahay, gaar ahaan ardayda jaamacada ka qalin jabisay iyo kuwa ku jiraba”

Maxamed Axmed Sulub kana mida maamulka Jaamacada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo aasaasay xarunta Igneer Career Hub .“Jaamacada Hargeysa oo ay caawinayso hay’adda Oxform waxaa ay aasaastay xaruntan Career Consuling, waxaanay ardayda u qban doonta adeegyo aan ahayn kuwii jaamacada looga bartay, ujeedaduna waxa ay tahay in ardayda la siiyo tabbabar sidii ay shaqada diyaar ugu noqon lahaayeen”

Maamulaha xarunta Ignite Career Hub, ee jaamacada Hargeysa, Warsame Maxamuud Axmed ayaa ka hadlay xaruntan iyo adeeg bixinta ay ardayda siiso .“Xaruntan dhawaan ayaa laga hirgeliyay Jaamacada Hargeysa, waxaa ay ka shaqeysa isu keenida xirdada ardayda iyo baahida shaqo ee waddanka taala.

Waxa aanu ardayda u qabana saddex adeeg oo kala duwan, in ardayda aanu ku tabbabarno xirfadaha ka saacidaya in ay shaqo raadsadaan, shaqadii ay qabtaana si wanaagsan ay u hirgeliyaan, waxaa kale oo aanu ardayda siina xarun ay ardaydu ku diyaarsan karaan agabka ay ku shaqo tagi karaan, tabbabaro yar yar oo gaagabana ay ku qaadan karaan, waxaa kale oo aanu ardayda ka caawinaa in ay helaan carbiska shaqada, waxaanu aad u jecelahay in aanu fahansiino qofkii u baahan shaqadu waxaa ay tahay, in qofka la barro qaabkii uu shaqo u raadsan lahaa.

Waxaa aanu jecelahay in xaruntani noqoto mustaqbalka xarun jaamacada Hargeysa ka caawisa shaqo raadiskooda, hal abuurida ganacsiga, iyo sii wadida maamulka ganacsiga yar yar”

 

Leave a Reply