Maxaad ka Og-tahay Fadliga habeenka Caawa ee 15-ka Bisha Shacbaan?

0
2998

Hargeysa (Dawan) Caawa waa habeenka kala badha bisha Shacbaan (15)

Laga bilaabo salaadda Maqrib illaa iyo salaadda Subax inta laga gaadhayo wuxuu ALLAH, soo dajiyaa raxmad waxa uuna danbi-dhaaf ballaadhn u sameeya adoomadiisa.

Rasuulkeena scw wuxuu yidhi “ALLAH addoomadiisa inta uu daalacdo habeenka 15 ka Shacbaan ayaa u wada danbi dhaafaa illaa laba qof mooyaane;

1- Qof ILLAAHEY cibaadadiisa cid kale la wadaajiyo

2- Qof cuqdad iyo xumaan caloosha ugu hayo qof kale oo walaalkii ah

Qofkii qof kale qalbiga wax ugu hayayoow, caawa iska caafi.

Aynu is cafino walaalayaal cafis iyo saamax.

ILLAAHEY kuwii uu u dambi dhaafo ha innaga yeelo dhammaanteen.

Aamiin Aamiin Yaa ALLAH.

Leave a Reply