Biimaan ku noollahay
Beri kuma xisaabtamo
Beer fallo ha joogtee
Biyo keydso ma aqaan
Xoolihii badnaa tage
Cimiladda badalan iyo
Baahi soo noqnoqotaa
Cashar iima biirshaan
Badow igama koriyaan
Bartii roobku igu helo
Ayaan bacad ku sugayoo
Bestay baan haraad ahay,
Mar uun maan barraarugo
Bada roobka galayiyo
Barwaaqada agtaydiyo
Badhaadhaha ka xoogsado
Bulshaddana wax uun taro
Qof uun baa bilaabee
Intaas tix iyo tiraab mid loo qaataba aan halkaa ku dhaafo oo aan u gudbo cabasho laga soo wariyay deeggaan badan oo ka mid ah gobolka aynu ku noolahay. Waa cabasho aan cusbayn oo joogto noqotay, waxaa ay la xidhiidha biyo la’aan baaxad leh oo soo waajahday dadka reer miyiga ah.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa laba jeer bishan March oo kali ah ka hadlay arrintan.
Madaxweyne Muuse Biixi oo munaasabad ka hadlayay Mar 17, 2021waxaa uu sheegay in dadku ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah in lala gaadho. maadaama ay abaarta ka jirtaa deegaano ka tirsan Somaliland ay saameysay dadka reer guuraagga ah oo qaarkood aanay heysan wax ay cunaan. “In ka badan boqolkiiba 60 reer guuraagii maanta geeddi buu ku jiraa meel walba waa laga hayaamay, waxay u bahaan yihiin boqolkiiba 70 in ka badan dadka reer guuraaga ahi maanta in biyo la gaadhsiiyo waayo barkadihii wey qalaleen” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan dedaalo kala duwan oo ay ka mid tahay biyo dhaamin loo sameynayo dadka reer guuraaga ah.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa isagu inagu canaantay tabar iyo tallo xumaanteenna. Waxaana uu sheegay in marmarka qaarkood Dadka reer Somaliland lagula yaabo sida aanay ugu diyaar-garoobin Abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha biyo la’aanta iyo daadadka.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyey Xuska Maalinta Biyaha oo dunida laga xuso 22 March, ayaa sheegay inay ceeb tahay in lix bilood gudahood Shacabka Somaliland marna ka cawdaan Harraad, marna biyo.
Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Gaadhi gaadhi saar uun ku jiri mayno, waalla inala yaabaa Marmarka qaar, Waayo? lix bilood gudahood ayaynu marna Roob ka cabanaynaa marna biyo la’aan ka cabanaynaa, innaga oo ogsoon in jiilaalkii soo socdo, ayaynaan waxba u sii kaydsaneyn oo aynu Maalintaa maalinta ka dambaysa odhanaynaa Gaadhi gaadhi saar iyo ha la na soo gaadho.”
Waxba indhaha ereyadda wasiirka haku gubin. Ha is odhan muxuu qorshe u keeni waayay isaga ayaa u wasiir ahe. Waa run oo waa u wasiir, isaga ayaanay canaanta xoogeeddu saaran tahay oo laga rabay inuu keeno arragti lagaga gudbo dhibkan, ama ugu yaraan lagu yareeyo. Haa, Xukuumadda oo dhan waxaa laga rabaa inay la timaado nidaam oo ummada isku dubariddo illeyn waatan og in la inagula yaabay laba oohinood oo sanad kasta taagan isna –xigxiga oo aan waxba u dhaxay’e, waa Biyo la’aan iyo daad labaddaba laga cabanayo. Hadda kama rabno inay 15 sanadood gudohood sidda dawladda Shiinaha 800 oo Milyan oo ruux ka saaraan saboolnimmadda’e, garro.
Sidoo kale, naftayda iyo taadaba akhriste aan ku tirtirsiyo in ‘Sirta Guushu ku jirto gacmaheenna.’ Horumarkeenna iyo horumar la’aanteenuna ku xidhan yahay sida aynu u fahamno. Haa, waa marka aad fahamto ana aan garto in qof ahaan mid kasta oo inagga mid ah xil saaran yahay, karaamaysan yahay oo wax qaban karro, ceelyar oo maax ah qodi koro, haddii uu hawd iyo dhull biyuhu fog yihiin jooggana itaalkii keyd-yar sameyn karro.
Fahamkaasi waxaa uu horseedayaa inaad baylahdaadda daboosho oo ka kaalinta aad bulshadda ku leeddahay ka soo baxdo, anna aan doorkayga ka adkaado. Markaas, waxaa aynu qayb ka noqonaynaa oo wax ku kordhinayaa horumarkeenna.
Haddiise aynu musuqno xattaa caawimada oo bamka-yar ama mishiinka la inagu caawiyay si uu ceelka biyaha uga soo tuurto aynu qaydhiinka ku liqno waa dhacdaaye, ogow inana haraad ba ina hurran’e. waxaana aynu ku danbeynaynaa Isku meerayso sidii laga sheegay ninkii dhaanka ku maqnaa ee Awrtii rarayd ee dhaanka ahayd kii ugu horeeyay iyo kii ugu danbeeyay isku xidhay ee dabeeddu inta uu sheedda ka soo eegay Isku meeraysigoodda yidhi. ‘Ilaahow Faraj u bixi’