Xukuumadda Somaliland oo Ceel-biyood ka Qodaysa Degaanka Goljano ee…

0
464

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa Degaanka Goljano degmada Laascaanood, ka bilowday Ceel biyood Riig ah madaxwaynaha Somaliland,  mudane Muuse Biixi Cabdi, ugu deeqay.

Bulshada Degaanka Goljano ayaa ah kuwa baahi weyn u qabay helitaanka biyo nadiifa muddo badan.

Munasibadii dhagax dhiga waxa ka qayb galay wafti uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ex wasiirkii hore ee arimaha dibada ahna musharax xildhibaan golaha wakiilada ah, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo masuuliyiinka ayaa gaadhay Deganada Shululux, Laasa-daar, iyo Dhabansaar oo bulshada degaanadaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Leave a Reply