Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo ka Hadlay Rajada Mustaqbal ee Xisbiga

0
421

Hargeysa (Dawan) Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay Furitaanka Shirka Golaha Dhexe ee Waddani, ayaa ka hadlay kala xulista Murrashaxiinta Xisbiga Waddani ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Hoggaamiye Xirsi, waxa uu ka dhawaajiyey inuu ka mid ahaa guddida xulinta iyo kala saarista Murrashaxiinta Xisbiga, waxaanu xusay in guddi ahaan ay gudbiyeen iyaga oo caddaalad ku dedaalaya dadkii ay isla haayeen waa kuwii buuxiyey habraacyadii iyo shuruucdii loogu talo galay, waxaanu sheegay in xubnaha aan loo xulin in ay murrashaxiin Xisbiga u noqdaan ee laga tegay in ay ku qancaan Go’aanka Xisbiga.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu tilmaamay in Xisbiga Waddani uu leeyahay Mustaqbal ifiya oo ay qayb ka noqon karaa xubnaha aanay suurto gelin in ay murrashaxiin noqdaan.

Leave a Reply