Dawladda Somaliland oo ka Hadashay Shil Ka Dhacay Bariga Taiwan

0
385

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay dawladda iyo shacabka Taiwan la qaybsanayso tiiraanyada sideed iyo afartanka qof ee ku geeriyooday shil tareenka ee ka dhacay bariga dalkaasi

 

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda oo soo gaadhay Wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in Somaliland xilliga adag ay Taiwan u muujinayso Naxariis iyo isku duubni walaalnimo.

 

“Waxa aan aad uga xun nahay warka naxdinta leh ee shilka tareenka ee Bariga Taiwan. Xilligan murugada iyo khasaaraha, waxaan idiin xaqiijinaynaa isku duubnideena, tacsi tiiraanyo leh ayaan la wadaagaynaa qoysaska dhibbanayaasha iyo umadda aan walaalaha iyo  saaxiibtinimada nahay ee Taiwan.” Ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sideed iyo afartan qof ayaa ku dhintay waxana ku dhaawacmay Boqolaal qof Shilka oo ka dhashay Tareen iyo Gaadhi isku dhacay.

Leave a Reply