Guddida Covid-19 oo Wadda Qorshe Tallaal lagu raadinaayo Shacabka Somaliland

0
316

Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wadda qorshe dalka lagu keeno dhibcaha tallaalka Covid-19 Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo dhacaysaaba sii kordhayso.

 

Guddida la tacaalida Xanuunka Covid-19 ayaa qorshaynaysa in maalinta beri ah ay qabato shir qaran oo ay qayb ka noqon doonaan ganacsatada dalku, kaas oo lagu gorfaynayo habkii loo heli lahaa awood dhaqaale oo lagu soo iibiyo tallaal, maaddaama tallaalka hadda yaallaa ku filnayn bulshada Somaliland, intaa ka dibna loo hawlgalo sidii tallaal dalka loo keeni lahaa.

 

Dhinaca kale xukuumadda ayaa sheegtay In qaar ka mid ah saaxiibbada Somaliland ay balanqaadeen deeq tallaal ah oo ay dalka keeni doonan

 

Golaha wasiiradda Somaliland ay sida oo kale shirkoodu khamiista ku sheegay in la hakiyo abaabulkii diyaargarawga iyo isu soo bixii 30 guuradii 18 May 2021, isla markaana Dhaqaalihii ku baxayey xuska 18 May lagu xoojiyo kharashkii lagaga hawl-galayey Covid 19.

 

Leave a Reply