Gashaantidii Qarsoonayd!

0
527

Qisaska Dunida Ugu Yaabka Badan

Qaybta 4aad

 

Wiilka ay walaalaha ahaayeen ee Mr.Marcella ayaa maxkamaddu ku xukuntay isla sanadkaasi 15 bilood xadhig ka dib markii maxkamadda dacawadiisu ka socotay afar maalmood taasi oo lagu eedeeynayay inuu lug ku lahaa shirqoolka xidhida iyo ciqaabta loo geystay walaashi. Xukunkaasi ayay dadku aad ugu farxeen iyagoo u arkayay inuu u qalmo madaama uu yahay mid gacan ka geystay xadhiga walaashii.

Waxase yaab noqotay in iyadoo xukunkaasi ku dhacay Marcella haddana aanu maalin keliya kumuu jirin jeelka, ka dib markii dacwadiisa loo gudbiyay maxkamad kale , taasi oo iyadana garsooraheedu sheegay in aanu wax lug ah ku lahayn xidhidda iyo afduubka lagu sameeyay walaashii.

Marcella ayaa iibiyay dhaxalkii reerkood oo dhan ka dib dhimashadii hooyadii waxaana uu u guuray dhulka miyiga ah isagoo go’doon ka galay noloshii dad la noolaanta oo ka cararayay qof kasta, isagoo ka cabsi qabay sumcadda ka xumaatay iyo eegmada iyo isu tilmaanta ay dadku ku xaqirayaan. Gooobtaasi cidlada ah ayuu keligii degena ilaa sanadkii 1913, goobtaasi oo uu markii dambe ku dhintay isagoo keligii ah. Waxa kale oo la sheegay in Marcella walaalkeed la sii daayay ka dib markii uu maxkamada ka sheegay in walaashii ay ahayd mid qabtay xanuun maskaxda ah, oo ay sidaasi iyadu doortay oo aanay jirin cid ku khasabtay. Waana warbixintii uu hore u siiyay booliiska.

Waxa kale oo dadka qaarkood sheegeen markii ay baadhis sameeyeen in gabadhan la xidhay aanay mudadaasi dheer sidan ugu dhex noolayn qudhunka ee ay hooyadeed ka nadiifin jirtay. Waayo muddo intaasi leeg may ku dhex noolaateen qudhunka iyo kudaafadda xun, waxayna noqon lahayd mid mar hore dhimata. Laakiin sida uu Marcella maxkamadda ka sheegay hooyadii ayaa wadne xanuun ku dhacay mar danbe, waxayna kari weyday inay ka nadiifiso. Mudadaasi wixii ka danbeeyay, sidaa awgeedna ay noqotay kudaafad.

Laakiin arinkaasi  waxa ka soo hor jeestay dad badan oo yidhi: “ haddii ay dan ka leeyihiin maxay jaariyad ka nadiifisa qolka ugu shaqaalayn waayeen madaama ay ahaayeen qoys hanti leh, haddi ay sidaasi jirto”.   Waxa kale oo lagu diiday dooda is difaaca iyo eedaynta walaashii inay waalayd ama xanuunsatay : “ Maxaad dhakhtar u geyn waydeen ama ugu yeedhi weyeen haddii ay run tahay waxa aad sheegaysaan?  Maxaase loo qarinayay arinkeeda foosha xun mudadaasi aad u dheer?

Waxa kale oo hal xidhaale noqotay qofka waraqdda u geeyay xeer ilaaliyaha. Waxaana jirta fikrado badan oo taasi jawaab looga dhigay. Dadka qaarkood waxay doodeen in warqadda uu xeer ilaaliyaha u geeyay walaalkeed Mr.Marcella ka dib markii uu arkay in ay hooyadii xanuunstay oo uu ka baqday in haddii ay dhimato iyadoo xidhan in isaga lagu dacawayn doono oo ciqaab ku geli doono. Waxa kale oo la sheegay inuu u geeyay Askari saaxiib la ahaa qof guriga ka shaqayn jiray oo ogaaday xadhiga gashaantida miskiinadda ah ee ciqaaban.

Dhinaca kalena, Gabadha gashaantida ah ayaan waxba kala garanayn oo weli wareerkii ku jirta iyadoo u muuqatay qof  xiskeedu aanu dhamayn, sidaas darteedna waxa laga saaray dhakhtarkii caadiga iyadoo loo wareejiyay dhakhtarka dhimirka si looga soo daweeyo, niyad jabka waalida ku noqday iyo werwerka ku noqday.  Halkaasi ayay iska joogtay maalintii oo dhan keligeed ayay fadhiyi jirtay iyadoo aamusan oo aad moodo sawir sanam ah  , dhaqdhaqaaqeeduna ma badanayn. Qofna ma garanayn waxa ay ka fekerayso iyo waxa maskaxdeeda ku wareegaya, haddiiba uu caqligeedu yahay mid shaqaynaya.

Xaaladaasi murugada leh ayay ku jirtay sanado iyo maalmo badan. Waxaana ay dhimatay 1913 markii ay halkaasi joogtay muddo 12 sanadooda ah. Qisadan gashaantida Blanche Monnier oo lagu baahiyay inta badan websayada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ka mid noqotay kuwa loogu akhris badan yahay qisaska runta ee la diiwaan geliyay. (Dhamaad)

Source : Mademoiselle Blanche Monnier

– The girl who was locked in a dungeon for 25 years-

 

Leave a Reply