Covid 19, Ayaa Horseeday Xaraashka Jasiiraddan

0
398

Iyada oo wakhtigan dad badani ay saacado xad dhaaf ah ku qaadanayaan guryahooda dhexdiisa sababo la xidhiidh xayiraadda Covid 19, ayay taasi horseeday inay dad badani dib u qiimeeyaan nolosha, waxaana ay raadinayaan goobo cidlo ah oo ay degaan, sida dhulka miyiga ah.

Haddaba dalka Ingiriiska waxa lagu soo bandhigay  xaraashka jasiiradda Iskotish oo qiimaheeda laga bilaabyo  80,000  Giniga Ingiriiska ah ilaa iyo 111,700 Giniga Ingiriiska ah.

Jasiiradda Deer oo ku taalla buuralayd Iskotishka waxa ay leedahay 11 hector oo dhul ah, iyo goobo qurux badan oo xasiloon. Shirkadda Future Property ayaa ku soo bandhigtay magaalada London xaraashkan.

Jasiiradda wakhtigan lama degena waxa lahaa qoyska iibinaya oo aan iyagu degin.

Leave a Reply