Masuuliyiinta Dawladda Hoose Degmada Badhan oo Mashaariic ka Dhagax Dhigay Degmadaas.

0
353

Badhan (Dawan) Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Badhan ee gobolka Badhan oo uu horkacaayo maayirka degmada Badhan iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Badhan oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ee heer gobol iyo heer degmo ayaa dhagax dhigay dhismaha dayr lagu kordhinaayo dugsiga sare ee degmada Badhan.

Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Badhan oo goobta laga dhisaayo dayrka Dugsiga sare ee Badhan Secondary School ka hadlay ayaa sheegay in ay dayrkan ka maalgelinayaan kabka dawladda hoose ee degmada Badhan, waxaanay tilmaameen in si deg deg ah loo bilaabaayo dhismaha dayrkan.

Geestoodana maamulka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ee gobolka Badhan oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyey maayirka iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Badhan dhismaha dugsigaasi.

Maamulaha dugsiga sare ee Badhan Secondary School oo isna halkaas ka hadlay ayaa maayirka degmada Badhan iyo Xoghayaha Fulinta ee dawladda hoose ee degmada Badhan uga mahadceliyey dhagax dhiga iyo dhismaha dayrka lagu wareejinaayo Dugsiga sare ee degmada Badhan, iyaga oo dawladda Somaliland ka codsaday in ay qaybteeda ka qaadato dhismaha dayrkan lagu wareejinaayo dugsiga sare ee degmada Badhan.

Leave a Reply