Aqoon Darrada Iyo Dhibta Ay Keento!

0
564

Badmareenkii Talyaaniga ahaa Christopher Columbus  waxa uu sameeyay afar safar oo baadweynta Atlantiga ah markii uu  gaadhay qaaradda America,  oo ay ku noolaayeen dadkii Hindada cascas ahaa ee badowda ah wuxu ku khasbay inay heshiis la galaan,

laakiin taasi  way ka diideen, waxaase uu ku hanjabay in haddii aanay aqbalin heshiiska uu isaguna Dayax ka qarin doono.

Koox isaga la socotay oo cilmi falagga (astronomy) aad u yaqaana ayaa dadkaasi isla markiiba u sheegay in arinkaasi uu runtii yahay oo haddii aanay  ogolaan ay caawa waayi doonaan Dayaxa. Kooxdaasi saadasha ayay ku ogaayeen Dayax madoobaadka dhacaya.  Habeenkii markii uu Dayaxu madoobaaday, isla markiiba Hinidada cascas hogaankooda iyo odayaashooda ayaa u yimi Christopher Columbus iyo saaxiibadii waxayna ogolaadeen in waxa kasta ay yeelayaan laakiin uu Dayax u soo celiyo.

Waxay u fuliyeen xaraf xaraf wixii uu ka doonayay Christopher dadkaasi. Habeenkaasi Hindida cascasi waxay ka faa’iiday xafladahooda ay ilaa maanta dhigaan ee loo yaqaan xafladda Dayaxa, laakiin waxay ku waayeen qaarad dhan oo reer Yurub kala wareegeen. Waxay ahayd mid ka mida Khiyaamooyinkii Reer Yurub dunida kula wareegeen.

Leave a Reply