Faa’iidooyinka Khudaartu Jidhka u leedahay!

0
451

Khudaarta Muuska ayaa ah mid aad ugu fiican dhinaca caafimaadka, waxaana la cadeeyay inay wax weyn ka tarto cadaadiska dhiiga iyo weliba xanuunada dhiig karka, madaama uu Muuska ku jiro maadooyinka potassium  iyo magnesium oo labaduba ah macdano uu jidhku baahi weyn u qabo isla markaana qayb weyn ka qaata caafimaadka wadnaha.

Waxa kale oo uu  Muusku kordhiyaa awoodda iyo kartida qofka madaama ay ku jiraan glucose, fructose iyo sucrose.  Glucose-ta iyo fructose  waxay isla markiiba ku darsamaan qulqulka dhiiga waxayna kor uqaadan tamarta jidhka.

Maadada Fructose ayaa iyadu si tartiib ah ugu darsanta si ay sonkorta dhiiga ku jirta meel dhexaad uga dhigto ama u dejiso. Muusku wuxu u wanaagsan yahay dareemayaasha iyo caafimaadka maskaxda, timaha iyo guud ahaan jidhka qofka.

Leave a Reply