Beel ka mid ah Beelihii ku dirriray Deegaanka Dhabar Dalool oo Cadeeyay inay Nabad qaateen

0
288
Laascaanood (Dawan) Mid ka mid ah Labadii Beelood ee Walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhex martay Deegaanka Dhabar dalool ee Degmadda Xudun ee Gobolka Sool oo la hadlay Warbaahinta dawladda ayaa u soo jeediyey Beesha kale inay la qaataan Nabadda isla markaana ay u dhego nuglaadaan baaqyada nabadda.

Waxgaradka iyo Waayeelka hor kacayay Beeshaasi Sheegeen inay diyaar u yihiin in nabadgalyo lagu dhameeyo Shaqaaqadii Khasaaruhu ka dhashay ee Ka dhacday deegaanka Dhabar dalool si aanay mar kale u dhicin dirrir dhex marta laba ardaa oo dhiig iyo dhalashaba wadaaga.

Haldoorka Shirka Jaraa’id qabtay Waxay tacsi u direen Qoysaskii ay ka baxeen Marxuumiintii ku geeriyooday Shaqaaqadaas iyagoo kuwii ku dhaawacmayna alle uga baryay inuu Caafimaad buuxa siiyo.

Dhanka Kale Waxay Waayeelkani Xukuumadda Somaliland iyo Ciidamadda qaranka uga Mahadceliyeen dadaalkii ay u galeen inay kala dhex galaan labada ardaa ee  xurguftu soo kala dhex gashay Waxaa kale oo ay u soo jeediyeen beesha kale ee is maandhaafku soo kala dhex galay inay la qaataan in si nabad galyo ah lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee la kala tirsanayo.

Leave a Reply