Dawlad Iskeed U Taagan Oo Aan Ogolayn Dumarka!

0
443

Kitaabka uu qoray Sh.Maxamed Kaamil C/Samad ee lagu magacaabo “Qaraa’ib al-muctaqadaat”  Rumaynta cajiibka ah”,  ayuu  qoraagu ku soo bandhigay inuu mar kasta oo uu safaro dunida ugu baxo uu arko arrimo yaab leh iyo dad waxyaabaha ay aaminsan yihiin ay ku la yaab geliyaan.

Waxaana uu sheegay inuu arkay dawlad iskeed u taagan oo aan ogolayn inay dhulka ay ka taliso ku noolaan karaan wax dumar ahi. Qoraaga ayaa sheegay inay jirto  dawladaasi oo leh is xukun hoosaad dhulkeeduna dhan yahay 40 Mayl, ay ku taallo buuralayda Athos ee dhow Giriigga.
Dawladdan ayay ku nool yihiin oo keliya wadaado madahabta fog ee kiristaanka ee Orthodox-ka rumaysan.
Waxaana buuga ku qoran in wadaadani ay diidan yihiin in deegaanka ay ka taliyaan ay yimaaddan wax dumar ah. Waxa kale oo aanay ogolayn  xataa xayawaanada dhediga ahi inay yimaadaan.

Sababta ay sidan u yeelayaan ayaa ah iyagoo rumaysan in dhulka uu ku fadhiyo is xukunkoodu uu yahay dhul muqdas oo daahira ah oo ay martay Nebi Ciise hooyadii Maryama Bintu Cimraan. Waxaana loo aaminsan yahay wadaadan  kuwo dhulkooda iyagu ka taliya oo la mid ah Vatican-ka.

Leave a Reply