Qaylo-dhaan ka Soo Yeedhaysa Qoys Sagaal Qof ka Kooban oo Dhimirka ka Xannuunsanaya

0
332

Hargeysa (Dawan) Hooyo Jamaad waxa ay gacanta ku haysa sagaalka qof saddex ay  walaalo yihiin, shan ay iyadu  dhashay iyo aabaheed, waxa ay keli ku noqotay la taacalida sagaal qof oo Qoyskeeda oo bukaan ah.

ALLE caafimaad uma waayin balse waxa uu eegayaa sida aynu isugu naxariisano ee fadlan aynu ILLAAHEY dartii u caawi qoyskan innaga oo midaysan.

Duruufaha dhanka nolosha eek u gadaaman waxaa ka hadlay wariye Boqore Axmed Cabdi, oo isagu inta badan ka shaqeeya arrimaha samafalka oo qoyskan ku booqday guriga ay ka degan yihiin magaalada Hargeysa waxaanu yidhi. “Qoyskani waxaa ku gadaaman duruufo kala duwan, oo dhanka nolosha ah, qoyskani waxa uu ku tiirsan yahay hooyo shaah ku iibisa magaalada Hargeysa, waa sagaalka qof saddexna waa walaalo shana iyada ayaa dhashay, aabaheedna waa kan, waa ILLAAHEY qadartiisa oo ALLE caafimaad umu waayin.

Aabahani halkaasi uunbu jiifa, cid cisbitaal gaynaysa ma jirto, cid ka war haysa ma jirto dhab ahaan xaaladiisa caafimaad aad ayay u liidataa.

Waxaa aynu ku jirna wakhti aad u fadli badan oo tobankii dhexe ee Ramadaan ah, walaalaha Muslimiinta ah waxa aanu ka codsanayna in aad ILLAAHEY dartii u soo caawisaan, waa sagaal qof iyo aabaheed oo inta ILLAAHEY xuskoodi ka qaaday, intuba waxa ay ku tiirsan yihiin Hooyada shaaha yar iibisa, qof walba dhib ayaa haysata ee si ILLAAHEY dhibka kaaga kor qaado, si ILLAAHEY kugu naxariisto qof bila dhibaato ahi ma jiro, qof bila balaayo ahi ma jiro, qof ayaa waalidkiisii ka dhintay oo wax ula baxaya, qofba dadkiisi ka xannuunsanayaan oo wax ula baxaya, waa bil Ramadaan waa wakhtigii sadaqadu aadka u fadliga badneyd”

Hooyo Faysa Maxamed Cabdi kana mida dadka jaarkooda ayaa si dareen tabasho leh uga hadashay xaalada qoyskani ku sugan yahay iyo sida ay gargaar bini’aadanimo ugu baahan yihiin.“Annagu waxa aanu nahay dadkii jaarkooda, xog ogaal ayaanu u nahay xaalada qoyskan, waa sagaalka qof saddexna waa walaalo shana iyada ayaa dhashay, aabaheedna waa kan, waxaa ay suuqa ku iiibisa in yar oo shaah ah iyo jaqaf dhuxula, wax nolol maalmeeda iyo  wax biil ah oo loo soo dira midna ma jirto, marka dadka muxsiniinta ah ee wax la baxaya, waa bishi Ramadaan waa tobankii danbi dhaafka waxa aanu leenahay walaalayaal hala soo caawiyo”

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply