Si loo Kobciyo Hufnaanta shaqo waxa mihiim ah in laga Faa’iideysto Tignolojiyada

0
400

Hargeysa (Dawan) Komishanka Maamul wanaaga oo taas ka duulaya iyo Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilaabay sidii loo dardar galin lahaa (E Governance) dawladda iyada oo gudiyo farsamo ( Steering Committee) hawshaas loo saaray taas oo in muddo ah soo socotay.

Gudiyadii farsamo ee Komishanka iyo wasaarada oo ay wehelinayso gudi farsamo oo wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa gudo galay hawl qabadkii koobaad oo ah in Habraacii Qorshaha dawlada ay u raacayeen wasaaradaha iyo Hay’addaha dawladu ee ay hore u diyaariyeen Komishanka Maamul Wanaaga iyo Wasaaradda Qorshayntu in loo badalo ( Data Base System) ay ku soo diri karaan laamaha Dawladu si looga faa’iideysto Tignoolajiyada.

Kulankaas oo ka Qabsoomay Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaan ku shir gudoomiyay gudiyada Farsamada ee dhinacyada iyada oo idamka Alle hawshaasi dhawaan soo dhamaan doonta isla markaana fulinteeda loo jihaysan doono.

Sida oo kale waxa iyaduna gudiyada Farsamo ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadu ku hawl yihiin dhawr hab oo wax weyn ka tari doona hawl socodsiinta laamaha dawlada iyo adeegyadaba.

Guddoomiye kuxigeenka Komishanka Maamul Wannaag Liibaan Ismaaciil Buraale

Leave a Reply