Guddoomiye Faysal Cali sheekh oo looga Yeedhay xarunta Golaha wakiillada

0
439

Hargeysa (Dawan)  – Guddi-hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan xog waraysi ah yeeshay masuuliyiinta hay’adda u diyaargarawga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Xildhinaan Axmed Dulcaale Bullaale oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in kulankaasi uu daaranaa sidii guddidaasi xog uga heli lahayd shaqada hay’adda u diyaar-garawga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranku ay u hayso qaranka, maadaama oo roobabkii gu’gu ay ka curteen badi gobollada Somaliland, isla markaana dalku uu ku jiray xaaladda abaareed, oo weli ka jirta degaanada qaar.

Xildhibaan Axmed Ducaale wuxuu sheegay in kulankaas ay la yeehseen masuuliiyiinta hay’adda u diyaar-garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ay hor geyn-doomaan gole weynaha wakiillada, marka uu fasaxa ka soo laabto.

Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in guddida joogtada ah ee golaha wakiillada warbixin ka siiyeen dadaalada hay’addaas ee ku saabsan qiimaynta xaaladdah ka dhaalan kara aafooyinka dabiiciga ah iyo u gurmashada dadka ay saamaynta ku yeeshaan aafooyinkaas.

Leave a Reply