Qore Cabdillaahi Àadan Cumar Wayab
Hargeysa (Dawan) Waxan muran ka taagnayn in aanay sinaba gob u noqonayn ama horumar u higsan Karin buslsho dalkooda kala soo bixi kari weyda waxay quudan lahaayeen, iyagoo haysta dhul ku fillan oo dihin oo wax kasta oo la quuto ay kala soo bixi karaan, taas oo ay kaga kaaftoomi karaan inay dalal kale oo shisheeye nolol ahaan ku tiirsanaadaan wax soo-saarkooda.
Bulshadeenu waxay ahaayeen waayihii hore kuwa noloshoodu ku tiirsanayd dhaqan ahaan xagga Xoolaha oo reer guuraa ah, iyagoo dadka beeraha tacbada oo xilliyadii hore tiradoodu aad u yaraydna u yaqaanayn dad caydh ah oo xoolo beelay, dantuna ku qasabtay inay ciidda fadhfadhaan oo kala soo baxaan waxa ay ku noolaadaan iyaga iyo ubadkoodu. Sidaa awgeed aragtidaa dhaqan ee ay bulshadeenu ka aaminsanaayeen Beeraha, ayaa saldhig u ah gaabiska muddada dheer soo socday ee ku yimid in loo jeesto dhinaca wax soo-saarka.
Muddo Qarni ka badan ayey bulshadeenu fikir ahaan u arkayeen, in wax beerashadu tahay astaanta caydhnimada, haseahaatee laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii labaatanaad oo dadkii Xoolo dhaqatada ahaa abaaro ba’an oo si xidhiidh ah u halleelay ka faro-bixiyeen Xoolahoodii, sidoo kalana dhul daaqsimeedkii Xoolaha yar ee abaaraha kasoo hadhaa ku tarmi jireena la kala ootay, taasina waxay sababtay in bannaan cidlo isa soo tubaan dadkii reer guuraaga ahaa ee noloshoodu ku tiirsanayd Xoolaha
Intaa wixii ka dembeeyey waxay dadkii usoo qulquleen xaggii magaalooyinka oo aan laf ahaantooda wax qorshe oo kaga soo horreeyey aanu jirin , waayo kuwii ku sii sugnaa magaalooyinka, ayaa qudhoodu ahaa kuwa qorshe la’aan u dagay meelaha magaaloobay, sidaa awgeed waxay ku kelliftay dadkii usoo hayaamay dhinaca magaalooyinku, inay u kala dhoofaan dacallada dunida, si ay uga raadsadaan nolol dhaanta tii ay kala kulmeen magaalooyinkii ay faro-madhnaanta kusoo galeen ee ay ku noqdeen shaqo laawayaasha.
Dadkii qurbaha tagay wax badan ayey kasoo barteen dalalkii dibedda ee ay u xoogsi tageen, sida iyagoo soo ogaaday inaan dalna horumar gaadhi Karin illaa uu isaga fillaando dhinaca wax soo-saarka oo ay beeruhu ugu horreeyaan. Sidaa darteed maanta dad badan oo reer Somaliland ah oo waxoogaa hanti ah kasoo shaqeystay dibedaha , ayaa run ahaantii markay dib ugu soo laabteen dalka hooyo ku dhiiraday, in hantidii koobnayd ee ay qurbaha kasoo xoogsadeen dib ugu maalgeliyaan dhulkooda hooyo, iyagoo weliba geliyey halkii ku habbooneyd oo ah dhinaca qeybaha wax soo saarka sida Xoolaha iyo Beeraha, iyagoo la yimid farsamo casriya oo loo dhaqo xoolaha iyo hab cusub oo xagga wax berrista, taasoo hadda la arkay inay labaduba ka waxtar badan yihiin qaabkii hore ee xoolaha loo dhaqan jiray, wana loo beeran jiray, waxana haatan ku dayday durba, in kale oo badan oo ka mid ah qolqol-jooga reer Somaliland.
Waddaniyiinta ammaanta mudan ee kasoo laabtay qurbuhu, waxay soo kordhiyeen tallaabooyinkaa ku dayashada mudan oo maanta ku soo kordhay Gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan agagaarka magaalo madaxyada Gobollada sida Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, L/Caanood , Ceerigaabo iyo Degmooyin kale oo ka mid ah kuwa Bariga , Badhtamaha iyo galbeeka dalka.
Gobolladaa waxa dhammaantood laga heli karaa Geel, L’o iyo Adhi badan oo Xerooyin u gaar ah lagu xannaaneey oo aan sidii waayihii hore loo daaqsin geyn dhul tobanaan Kiilo-mitir ah, balse xeryahooda ugu diyaar yihiin cawskii iyo waxyaabo kale oo nafaqooytin kala duwan u leh Xoolaha, iyagoo cad iyo caanaba ka fiican xoolihii la daaq geyn jiray.
Sidoo kale Beerihii ayaa Iyana si casri ah loo qaabeeyey, gaar ahaan kuwii khuraata ee aan loo hunguroon jirin eeristooda, illaa loo qodo ceel dheer oo biyo joogta oo khudaarta la beero si joogto ah loogu waraabiyo, iyadoo haatan la sameeyey beero dusha ka dadan oo lagu beeray nooc kasta oo ka mid ah khudaarta oo ay kasoo baxdo khudaarta xag kasta uga wanaagsan, uga dhakhso badan dhinaca waqtiga goosashada , taas oo loo farsameeyey qaabkii waraabka, isla markaana qorraxdii qallajinaysay laga hadheeyey, loona sameeyey goob biyaha waraabka ah loogu keydiyo.
Haddaba, waxa meesha ka maqan oo ay lagama maarmaan tahay in kaalintooda ay maalqabeenka reer Somaliland ka qaataan dhinaca maalgashiga horumarinta wax soo-ssarka, gaar ahaana beeraha , si Somaliland uga maaranto gacan-hoorsi shisheeye, taasoo ku iman karta in maalqabeenka dalku dib wax ugu hantida baaxadda leh ee ay ka macaasheen bulshadooda, isla markaana la jaanqaadaan kuwa dhiggooda ah ee dunida horumartay.