Laascaanood oo Laga Mamnuucay Muusiga Laga Tumo Huteellada

0
421

Laascaanood-(Dawan) Maayarka Magaaladda Laascaanood cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa sheegay in huteelad ku yaala magaalada aan laga ogalayn in laga tumo muusig.

 

 

Duq Taarwale ayaa sheegay in cidda shida muusig ay ciidanka ammaanku ku amran yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan.“Waxa aan idiin sheegaya in ay mabnuuc  tahay in huteellada habeenkii muusig lagu tumo, waana xaraan qofkii lagu qabto cidaanku gacanta ayuu ku soo dhigaaya. mulkiilayaasha huteelada waxaan ku wargelinayaa in ay sidaasi ula socdaan amarkaa aanu soo saarnay”

 

 

Maayirku waxa uu sheegay in raxmaadkii gu’gu ay si fiican uga curteen magaaladda Laascaanood iyo deegaanada ku hareeraysan waxanu bulshada u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan xilli roobaadkan aynu galnay kana guuraan goobaha biyo mareenka ah.

Leave a Reply