Roobab Ka Da’ay Gobolka Awdal oo Go’doomiyey Degmada Baki

0
622

Boorama-(Dawan) Guddoomiye ku xigeenka degmada Baki Dayib Cudud ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in roobab ka da’ay deegaankaasi ay jareen wadooyinka isku xidha Boorama, Baki iyo Gabiley, waxaanuu intaas ku daray in roobabkaas oo ah kuwa waawayni ay sababeen in degmada Baki ay noqoto go’doon aan la gaadhsiin karin illaa hadda wax gurmad ah.

 

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baki ayaa sheegay in roobabkaas khasaare aan si dhab ah loo ogeyn ay u gaysteen degaano kale oo degmadaas ka tirsan, waxaanuu bulshada u soo jeediyay in aanay isku dayin in ay ka talaabaan dooxyadaas, isla markaana ay ka fogaadaan meelaha biyo mareenada ah.

 

Dhinaca kale roobabkaas oo ka da’ay magaalada Boorama ayaa khasaare u gaystay xabaalaha Galooley ee ku yaal galbeedka magaalada Boorama, iyadoo maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama ay kormeero ku soo mareen goobo kala duwan oo roobabkaasi wax yeelo u gaysteen, iyagoo fariina  ku saabsan ka feejigtaanta dhibaatooyinka ka dhalan kara dadadkaasna u diray dadka ku nool magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal.

 

Leave a Reply