Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo la Wacdiyey

0
425

Hargeysa-(Dawan) Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta muxaadiro  ku saabsan fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan u qabtay shaqaale weynaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL.

 

Muxaadiradan waxa kaloo goob joog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxaha ee Wasaaradda Warfaafinta, waxana halkaasi muxaadiro ka soo jeediyey  Sh. Cabdirisaaq Mukhtaar, Sh. Cabdirashiid Maxamed Cigge iyo Sh. Cabdilaahi Cabdi Shiil, kuwaasi oo ka warramay fadliga Bisha Barkaysan ee Ramadaan, waxaana ay ugu baaqeen shaqaalaha Wasaaradda inay ka faa’iidaystaan oo ay cibaado ku nooleeyaan habeenkii 10ka dambe ee bisha Ramadaan oo caawa bilaabmaya.

 

Culimada ka socday Wasaaradda Diinta iyo awqaaftu waxa ay u qeybiyeen shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta musxafyada Quraanka kariimka ah.

 

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Jaamac Cawil Nuux ayaa culimada Wasaaradda Diinta uga mahad celiyey wacdiga sannadlaha ah ee ay u jeediyaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

 

Leave a Reply